|

FIDNOOYINKA KA SOO BAXA ALBAABADA MADAXDA WAY KA KHATAR BADAN YIHIIN FIDNOOYINKA KALE

XASUUSO IN ALLE DANBI DHAAF BADAN YAHAY MAR WALBA JECEL YAHAYNA KUWA TOOBAD KEENKA BADAN

ALLE AYAA MAHAD ISKA LEH DHAMAANTEED .INTAASI KA DIB

DHamaantiinba waad salaaman tihiin wariyayaasha iyo akhristayaashuba

Soomaalidu waxay tiraa arrin deg deg u baahan lagama daaho .waxaan leeyahay waxii dhacyba dhaca alle ayuunbaana xaal og

Dawladu maskaxdeeda iyo siyaasadeeda iyo muaamaradeeda waxay ku haboon tahay inay u isticimaasho cadowgeeda maha in ay ku mashquusho raaciyadeeda oo ay galiyaan waqtigooda oo dhan xisbiyada iyo qabaailka shacbiga s/land kuna kale dhex ridaan tuhun iyo shirqoole wax fiican maha waxaa la yidhi waran kugu soo noqon doona lama rideeyo albaabada madaxdayada waxaan ka filanaynaa warsan maha inaan idinka maqalno war dhaguhu diidayaan cadoguna ku farxayo.qofka madaxda ahi hadalkiisu waa dhawaaq dheer markaa in uu qofku ka fiirasado weedhiisu waa muhiin ogaadana in uu barito noqon doono shacbi siduu shalayba u ahaa oo isaga laftiisu waxaa uu diiday shalay aanuu dad kale ku samaynin ,

In wax la qabtaa waa mihiin khaladadii dhacayna la saxo garawshiiyo iyo wanaagna lagu dhameeyo waa ay fiican tahay nabadu xataa waxay u fiican tahay xawayaanka iyo dhirta dad iska daayoo

Xaalda geeska afrika waxaa uu galay siyaasad cusub oo xawli cajiiba ku socota in lala socdaana waa muhiin ta soomaliduna tahay ta u sii daran sida ay mar walba isku rogaysaana waa sida mawjadaha bada oo kale s/land waxay u baahan tahay niman mawjadaa isla rog rogi karaya oo dabaasha siyaasad ku xeel dheer oo hadalka dhigi kara meesha uu ku manaasibka yahay ayna ka muuqato niman la socda wax jira ninka ku mashquula siyaasada gudaha waxaa uu ku fashilmaa siyaasada dibada waxaanay taasi macnaheedu tahay( ninka geel jiraha ahi kuma mashquulo xerada nirgaha waxaa shaqadaasi qabta kurayga isagu waxaa uu ku mashquulaa xerada geel weynaha iyo sidii uu oodiba ooday ka weyn tahay ugu oodi lahaa markaasbuu nabad ku seexdaa isagoon cidna ka baqaynin ilaahii abuuratay mooyaane)

 

Madaxdayadu taasi ayaan idiin dirsanay ee ha ku mashquulina qabaailka iyo shacbigiina

Soomaalidu waxay tiraahdaa (DHIDIR XABAALO QODAA QUDHUN BUU OOGA DHACAA)ha raac raacin ceebaha dadka kale sida adba aanaad u jeclayn in ceebtaada la raac raaco waxaaba kugu waajib ah inaad asturto ceebta walaalkaaga muslinka ah

DAWLADU waxay shaqadeedu tahay in ay shacbigeeda u horseedo nabad iyo barwaaqo in diyaariso tuulkoodii ay u sahli lahaa nolol maalmoodkooda shacbigeeduna ku dhex san yahay xoriyad buuxdo isagoon ka baqaynin dawladiisa inaba wax muaamarad ah iyo shirqool ama xadhig ay u geysato

Madaxdu ha noqdaan kuwo diyaar u ah in la xag xagto ,waxna laga sheego ,lana dhalaycayn karo , intaasi markay ku dhacdana ku jawaaba cafis iyo wanaag iyo dulqaad iyo qalbi balaadhan oo furan shacbigooda taasi waxay keentaa is jecayl iyo isku soo dhawaanshiiyo waana sunnadii nabigeena maxamed s.a.w. cafisku iyo wanaagaasi oo dhani .arrimaha ummadana lama adkeeyo waa la fududeeyaa waxii la adkeeyaaba way adkaadaaan.

 

Fuad jawi

Ottawa Canada

Comments are closed