Ficilka uu sameeyay Xassan Sheekh sow diin kabax ma ahan?
Wax lala yaabo ma ahan in hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada soomaalida ay u hoggaansamaan awaamirta madaxdooda oo ay ciqaab adag marsiiyaan shacabka muslimiinta soomaalida.
Hoggaamiyaasha kaba qaadka u ah Itoobiya iyo Kenya ayaa wajahaya fadeexado iyo waji gabax ay kala kulmayaan shacabka soomaaliyeed,dabadhilifyadu malahan haba yaraatee sariigasho waxayna gacmaha kula jiraan Bakhti uraya!.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ku magacaaban madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa booqday magaalada Eldoreed ee wadanka Kenya halkaasi waxaa ka dhacday munaasabad aas loogu sameeyay ciidamo katirsan melleteriga Kenya oo lagu laayay dagaalkii laba isbuuc ka hor ka dhacay degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo Koonfurta soomaaliya.
Gurguurte ayaa markii uu gaaray Isbitaal lagu keydiyay Meydadka ciidanka Kenya wuxuu bilaabay in uu oohin iyo baroor uu kala dulhaco naxash-yada askarta Kenyaatiga!!.
Xasan Sheekh intaasi kuma ekaysane wuxuu bilaabay in wax u eg sujuud gaaleed uu ladul istaago Meydadka ciidanka Kenya waxaana la moodaa Hoggaamiye aan Muslim aheyn oo heysta diimaha Nasaaradaha iyo Hunduuska!.
Arrinta layaabka leh waxaa weeye sidee Madaxweyne ugu rukuucayaa ciidan shisheeye oo shacabkiisi kula kacay xasuuq,kufsi iyo dhulboob? Walina ku howllan sidii ay uqabsan lahaayeen dhul hor leh oo soomaali leedahay.
Gurguurte oo ah Doqon aan diin iyo damnimo midna laheyn ayaa maalinba maalinta ka dambeysa banaanka soo dhigaya wajigiisa madoow,arrinta kale ee fadeexadda ku ah Xasan Sheekh waxaa weeye bahdil iyo liidnaan ay kula kacday dowladda Kenya.
Madaxweynaha Naigeria waxaa Nairobi kusoo dhaweeyay Uhuru Kenyatta balse Xasan Gurguurte waxaa soo dhaweeyay Wilam Ruto madaxweyne ku xigeenka Kenya waana duurxul ay Kenya ugu muujinaysay in aysan aqoonsi u heyn dowladda Federaalka balse doqonka Gurguurte Allaah ayaa caqliga ka qaaday oo arrinkaasi ma fahamsana.
Ficilka uu sameeyay Xasan Sheekh sow diin kabax ma ahan?
Marka si fiican loo eego Ficilka Xasan Sheekh waa Sujuud gaaleed haddii dhanka shareecada Islaamka loo eegana waa ishaar sujuud muujinaysa mana ladhihi karo Rukuuc sababtoo ah qaabka uu isku taagay iyo gacmaha uu gadaal marsaday waxaa caan ku ah Nasaarada gaar ahaan Mad-habka Kaatooligga sidoo kale Buudhiistayaasha Baarma iyo shiinaha ayaa iyana sidaas sameeya waxayna u tahay Sujuud.
Culimada islaamka ayaa isku waafaqsan in ficilka sidaas ah lagu gaaloobo waa haddii qofku uusan Mukrih aheyn Xasana sidaas ayuu dharaar cad uga lugeeyay diinta islaamka.
Dhiigga Shacabka Muslimiinta Gedo oo uu ku Jeejeesay.
Booqashada Xasan Sheekh ee Kenya iyo ka qeybgalka aaska loo sameeyay melleteriga Kenya waa jees jees iyo ku digasho qayaxan oo ka dhan ah Boqolaal qof soomaali ah oo ciidanka Kenya ay ku dileen gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.
Diyaaradaha dagaalka Kenya waxay duqeymo bahalnimo ah ka fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Gedo waxayna xasuuqeen tobaneeyo qof soomaali ah,majirto mas’uul katirsan DF-ka oo ka hadlay duqeymahaas Xasan Culusoowna waa ku farxay sida aan ka aragno ficilkiisa!!.
Haddii Xasan Gurguurte uu u madax raariciyay wiilasha Nasaarada Kenya ee Soomaaliya lagu dilay sooma ahan in uu Raalli ka yahay dadkii ay soomaaliya ku laayeen.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Dowladda Federaalka waa doqonkii ugu xumaa ee soo mara soomaaliya wuxuuna kasii liitaa Col.Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed oo labaduba ahaa dabadhilifyo diinkooda iyo dalkooda iibsaday.