Home » Features You are browsing entries filed in “Features”

“Dawladihii kala Dambeeyay ee Somaliland marna may keenin Baarlamaanka Gobolnimada Gabiley……” Gudoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 22. February 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa ka hadlay ansixinta gobolnimada Gabiley. Mudane Cirro waxaa uu xukuumada ku dhaliilay inaanay golaha wakiilada usoo gudbinta ansixinta gobolkaasi isagoo sheegay in Xisbiga Waddani uu diyaar u yahay Ansixinta gobolka Gabiley.   Guddoomiye Cirro oo Maanta Gabiley soo […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

(DAAWO) Chelsea oo Miciin Moodey Koobka (Fa Cup) Goolalna Ku Qarqisey Man City(Jaahuur)

London-Feb-21-2016(SDN/QJ)Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa koobka Fa Cup oo aalaaba la ciyaaro inta uu horyaalku socdo Premier League. Haddaba ciyaar ka tirsaneyd koobka Fa Cup,waxaa foodda isla galey labada naadi ee ugu tunka weyn Ingiriiska walow aay kaga jiraan horyaalka meel aan u cuntamin,bal daawo sida aay iskugu nafbaxeen. W/Q Jaahuur SDN/QJ jjaahuur@hotmail.com.

Posted in Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga WADDANI oo Degmada Dilla Deeq Raashin Ah Ku Gaadhsiiyey 500 oo Qoys oo Abaarahu Saameyeen SAWIRO

Dilla 21. February 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta deeq raashin ah ah oo isagu jirta bariis, daqiiq iyo sonkor gaadhsiiyey 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Dilla ee gobalka Awdal ku waasi oo muddooyinkii dambe ay si xoogga u saamaysay abaarahii ka jiray deegaanada Galbeedka Somaliland. Guddoonsiintii […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhamaadka Odaytooyada: Haweenka, Haweenaysiga iyo Haweentooyada!

“ Waxaan u socdaa inaan bidhaamiyo, inaan haweenaysigu ahayn sida loo dhigayo dhaqdhaqaaq ilbax ah ee uu yahay dhaqdhaqaaq danaysi oo danaha iyo xuquuqda in gaar ah –haweenka– uun aqoonsan ama u orda, aan rabin sinaan, ee raba in uu galo kaalinta Odaytooyada si uu u noqdo Haweentooyo. Waa dood culus, laakin waan difaacayaa. Waxa […]

Posted in Features | Read More »

Faysal Cali Waraabe iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo ka Falceliyey Gudidda Aqoonsi raadinta ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku daray DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka dareen Celiyey Gudida Citiraaf raadinta Somaliland oo uu Maalintii Shalay Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isla markaana uu labadan Xubnood ku […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa ka Jira in Gudoomiye Muuse Biixi iyo Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenkiisa Mr Saylici uu Khilaaf ka dhex Curtay ? DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii Kowaad ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha dhacdadii Goob diiwaangelineed oo Ku taala Degmadda Lughaya ay Koox dablay hubaysani Weerar ku qaadeen. Md. Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay falkaasi mid ka dhan ah qabsoomidda doorashooyinka […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaar Ka Mida Oday dhaqmeedka Gobolada Galbeedka Somaliland oo Canbaareyey Weerarkii Lagu Qaaday Hadayto Isla markaana Baaq adag u diray Xukumada Somaliland DAAWO.

Boorama 21. February 2016 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan Madax dhaqameedka Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa Meel adag iska taagay falkii lagu weeraray Goob diiwaangelineed oo ka tirsan Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal waxayna Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inay Sida ugu dhakhsiiyaha badan Sharciga u hor keento Kuwii ka danbeeyay falkaas.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Ka Hadlay Oo Xisbiyada Ku Dhaliilay In Ay Diwaangalintii Codbixinta Ay Garab Wadaan Olole Siyaasadee DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Ka madaxa bannaan Sadexda Xisbi qaran ayaa Axsaabta Somaliland Waxa uu ku naqdiyey habka ay uga qayb galeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hada ka socota Gobolka Awdal isagoo sheegay inay Olole Siyaasadeed barbar wadeen.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suxufi Caan ah oo Hargaysa Ku Xannuunsanaya iyo Xukuumadda oo Balanqaaday inay Gargaar u fidinayso DAAWO

Hargaysa 21. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa Gurigiisa ku Booqday Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland oo xaalad Caafimaad la soo deristay. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wejigii 1aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Gobolka Awdal ka soo Dhamaatay DAAWO

Boorama 21. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu Weheliyo Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka ayaa kaga dhawaaqay Magaaladda Boorama inuu soo Gebo gaboobay Wejigii 1aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Ka Socotay Gobolka Awdal.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »