Home » Features
You are browsing entries filed in “Features”
Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay Go’aan uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kaga dalbaday Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,Hogaanka Sadexda Xisbi iyo Shirgudoonka Golaha Baarlamanka ee {Guurtida iyo Wakiiladda} in dib loo dhigo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka qaranka.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): –Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Sheegay in Golaha Wakiiladdu ka hawlgalayo hadii Komiishanka doorashooyinku ka dalbadanaan is waafajinta Hakinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa soo dhaweeyay Go’aankii ka soo Baxay Shirkii ay wada yeesheen Sadexda Xisbi qaran,Komiishanka iyo Golayaasha Qaranka .
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isugu yeedhay Maanta, Shir Guddoonka Labada Gole Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran. kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu damqan lahaa shacbiga Somaliland ee ay soo foodsaartay Abaarta baahsan ee Dad iyo Duunyaba saamaysay, ayaa lagu gorfeeyey sidii […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Pernambuco Stadium-Mar-27-2016(SDN/QJ) Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku iftiimineynaa is reeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka 2018 oo si xasaasi ah ugu socda Waqooyiga Ameerika. Haddaba ciyaar aad loo sugayey ayaa waxa isku hirdiyey xulka Brazil iyo xulka Uruguay daawo waxay kala macaasheen. W/Q Jaahuur SDN/QJ jjaahuur@Hotmail.com
Posted in Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):- Weli waxaa dalkan Somaliland cadaadis aan la qiyaasi Karin ku haysa abaarta barraahsatay ee cidhif ka cidhif ka jirta, iyadoo meelaha ugu daran ay ka mid tahay xeebta waqooyi ee Somaliland .
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maalintii khamiista ahayd Mudaysay dacwad ka dhan ah wargeyska madaxabannaan ee Ogaal, isla markaana waxay maxkamaddu masuuliyiinta wargeyska ogaal ku wargelisay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadda loo haysto. Qoraal ka soo baxay maxkamadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka Shabakada Qurbejoog, oo uu ku […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Laascaanood 27,March,2016(SDN/QJ):-Siyaasi Yaasiin Maxamud Faratoon oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sool Mudo badana ku maqnaa dalka Dibadiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood. Siyaasiyi Yaasiin Faratoon Xiir ayaa Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii uu Hogaamin jiray Madaxweynihii Geeriyooday ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Cigaal isagoo Mudooyinkii ugu danbeeyayna ku noola dalka Ingiriiska.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ceerigaabo 27,March,2016(SDN/QJ):- Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Sanaaga Ayaa dareen Cadho leh Ka Muujiyey Dacaayadaha raqiiska ah ee ay shaqsiyaad gaar ah ay isku dayeyaan inay ku Wiiqaan Dhismaha Waddada Ceerigaabo.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo 27.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa soo xiray shirkii ka socday degmada Kisamaayo kaas oo ahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha wadda dega gobolada Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoddobada lagu heshiiyey intii shirku uu socday aanu cid gaar ah xuquuq siin doonin ee uu dan u […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »