|

FBIda Mareykanka oo abaal marin siisay hogaamiye Soomaaliyeed

Portland Dec 24,2011(qurbejoog.com)-Xafiiska FBIdu ku leedahay magaalada Portland ayaa dhawaan u garatay Muuse Olol oo ah afhayeenka urur Soomaalidu ku leedahay magaaladaas oo magaciisa loo soo gaabiyo SACOO oo gacan u fidiya dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka Oregon.

FBIda ayaa sheegtay in Muuse abaal marinta ku muteystay hawsha baaxada leh ee uu ururka uu ka tirsan yahay iyo isaguba u qabtaan dadka Soomaalida ah ee ku nool Oregon.

Sidoo kale FBIdu waxa ay sheegtay in Muuse gacan ka geystay isu soo dhaweynta heyadaha dawladeed iyo ummada Soomaaliyeed ee gaobolkaas ku nool.

Greg Fowler oo ah madaxa laanta FBIdu ku leedahay Portland ayaa sheegay in Mudane Olole uu mudan yahay abaalmarintan.

“Md Olol waxa uu u khidmeeyay qoysaska Soomaaliyeed,Md Olol waxa uu juhdi faro badan geliyay sidii qoysaska Soomaaliyeed ee dalka ku cusub sidii ay u dhexgali lahaayeen bulshaweynta kale.”ayuu yidhi Greg Fowler.

Muuse Olol ayaa ka mahadceliyay abaal marintan ay FBIdu u gadhatay “waanu ku faraxsanahay abaalmarinta naloo gartay xubnaha SACOO waxa loogu yeedhay in ay kaalintan buuxiyaan,abaalmaritana waxay nagu dhiiri gelineysaa in aanu hawsha aanu bulshada u heyno in aanu ka miro dhalino hadafkayaga”.

Muuse Olol oo Portland ku noolaa mudo 30 sanadood ah ayaa sanadkan noqdey ruuxa ay FBIdu u garatay abaal marinta uu xafiis walba oo FBIdu ku leedahay ay sanad walba bixiso.

Qurbejoog-Portland
contact@somalidaisporanews.com

Comments are closed