FAYSAL WARAABE LA CAAYI OGAA LOO HANJABI OGAA MIYAANU CID KA DHALAN
Salaan qiimo badan ka dib.
Waxaa wax aad loola yaabo ah in maalinkasta marka aad warbaahinta kala duwan ee reer Somaliland dhugato ama aad fiirisaba, aad ku arkeyso iyadoo ninka la yidhaa Faysal Cali Waraabe loo caayayo ama loogu hanjabayo si xad dhaafa oo qofka damiirka lihi uu ka yaqyaqsoonayo ama uu aad ula yaabayaba. Caydaas oo ah mid ka baxsan xadka qof jira oo nool la caayayo ama loo hanjabayo.
Dabcan Siyaasitiinta Somaliland ee Mucaaradka ah ee maamulka madaxweyne Silaanyo dhaliilaa ma aha qaar tiradoou tartahey, waliba qaar baa hadalada ay ku hadlaan marka aad u fiirsato ay yihiin qaar Ina Cali Waraabe wixiisu bikh noqonayaan. Arkimaysid ragaa kale cid caayeysa ama u hanjabeysa ama xitaa ugu jawaabeysa sidii ay u hadleen iyo si u dhowtoona
Tusaale kooban hadii aan soo qaato Mujaahid Ibraahim Dhegeweyne marka uu la hadlayo Xukumaado Silaanyo wuxuu ku hadlaa luqad si toosa looga dhex arki karo in diyaar u yahey inuu Gacan ka hadal iyo awood adeegsan karo hadii aanu Maamulku joojin arimaha uu wado.
Ma aha keliya Mujaahid Ibraahim Dhegeweyne raga sida qaawan u hadla, ee waxaa jira qaar badan oo hadaladoodu iyo fikirkooda cadhadu ka muuqato aan qarin oo waliba marka xaga dhaqanka la eegayo ku hadla erayo kakan oo aad is odhaneyso, meeshaba dhawaan waa lagu kala dhaqaaqaya.
Waxaa hadaba aan aad ula yaabey Faysal Cali Waraabe oo aad moodo isagu inuu baadi ku yahey dadka iyo dalka reer Somaliland , taasi oo markhaati looga dhigan karo hanjabaada, cayda, aflagaadada, iyo kibirka badan ee qofkastaa kula dul dhaco. -Waliba maamulka jira ha ugu sii daraade.
Arintaa markaan aad uga fikirey ee aan is weydiiyey sababta Ina Cali Waraabe u yahey cid walba u jabe weyn ee Ina Warancade oo inan yar oo Wariye oo su`aal ka weydiiyey waxa dalka uu qabtey ugu jawaabey (Waa taa Jiingadihii Goosteen) ugu sheegay Ina Cali Waraabe inuu Siyaasad Jaangeri yahey, isagoo aan xitaa soo hadal qaadin karin raga kale ee dhirbaaxooyinka la dhaca maamulka Silaanyo uu hadana Maalinkasta ugu hanjabo Ina Cali waraabe isagoo weliba laga dhadhansan karo hadlkiisa inuu xdhig la maagan yahey.W axaa ii soo baxey laba qodob oo la is odhan karo waxey sabab u yihiin ku tumashada Ina Cali Waraabe!!!
1- Wa ta koowaade Ina Cali Waraabe waxaa haya Nabsi uu ka galey umada Somaliyeed oo dhan iyo reerka uu ka soo jeedaba. Somali nabsiga ka galey ama ka galaa waxa weeeye, isagoo markasta, iyo meelkasta cadeysta, cayda iyo cunsuriyeynta Umada Somaliyeed, arintaasna dhaxalkeedu wuxuu noqdey in meeshii uu xaska iyo cadaada u jiidhayey laga caayo, oo lagu hanjabo. -Ta kale ee reerka uu ka soo jeedo uu ka galeyna waa isagoo Xiligii dagaalka Sokeeye, ee ninkastaa reerkiisa raacey isagu si badheedha reerkooda uga soo horjeestay, isagoo isu arkayey ama bil saraaxa islahaa dadkani waa waloolo oo meel kale tagi mayaane dhexda raac. Weliba dhexda muu raacin ee dhinac ayuu ka soo jeestay.
2-Qodobka labaad laftiisa ayaa nafsi ah oo taarikhda la soo marey lafteedu, raad badan ayey ku yeelata Taariikhda cusub ee markaa lagu jiro. Caku Ina Warancade cayda iyo u Hanjabada Ina Waraabe wuxuu ka soo min guurinayaa Dagaalkii Sokeeye ee 1994kii Dhex marey beesha Ina Cali Waraabe iyo Huwantii ay Ina Warancade iyo beeshiisu ka midka ahaayeen.. Taa cakiskeeda Hanjabada Dhegeweyne lafteedu iyo baqdinta laga baqanaya waa mid 1992-1997 salka ku haysa.
Cala kuli xaal, waxaan ku talin lahaa mar hadii aaney jirin , wax la iskaga tirinayo Ina Cali Waraabe qof ahaan iyo qabiil ahaanba, bal waa intaas la noolaadaye dadnimada uun ha la eego oo cayda badan badh ha laga saamaxo.
Ali Ahmed
Hargeysa
Somaliland