“Faysal oo masuul qaran ah iyo mid kale toona, caafimaadkiisa inaan wax ka sheego marna igama suurawdo,” Dr Gaboose
Hargeysa 10.April 2016 (SDN/QJ): -Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo la hadlay wargeyska Ogaal shalay galab ayaa si wayn u beeniyay war lagu sheegay in laga soo xigtay isaga oo baraha bulshada ee internetka qaarkood la soo geliyay, una dhacayay in Dr Gaboose wax ka sheegay caafimaadka Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, kaasoo Digtoorku ku tilmaamay been abuur qaawan oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Warkaa la faafiyay waxa lagu sheegay in Dr Gaboose waraysi uu siiyay shabakad lagu magacaabay Xogmaal uu ku duray caafimaadka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, kuna tilmaamay nin caafimaad ahaan dhutinaya. Hase yeeshee Dr Gaboose wuxuu sheegay in aanuu jirin waraysi uu bixiyay oo uu waxaa kaga hadlay, isla markaana wuxuu xusay in warkaasi yahay been abuur cad oo aan geedna laysugu toosin oo loogu talo galay isa sudhis iyo murug.
Isagoo warkaa ka jawaabayana wuxuu yidhi, Dr Gaboose; “Waxaa nasiib daro ah kuwo fidma walayaal ah, ciyaala suuq ahi inay shaqo ka dhigteen inay dab huriyaan si ay dadka dhexdiisa wax aan jirin uga dhex abuuraan. Warka noocaas ahi sal iyo raad toona ma laha, haday hayaan anigoo la hadlayna ha soo bandhigeen oo umadda ha u soo bandhigeen.
Kow luqad dhakhtar maaha, haddaan cid wax ka sheegi lahaa aqoonta lay baray baan ii ogolayn anshax ahaan, in aan arrin caafimad ka hadlo, waxaanan moodayay astaan fiican inay ii ahayd Maxamed Siyaad Barre caafimaadkiisii wixii aan kaga jawaabay markii wax layga waydiiyay, sidaasaanan umadda haybad iyo sharaf kaga leeyahay. Markaa luqad dhakhtar maaha oo akhlaaqday ka soo horjeedaa, umana quudho Faysal oo masuul qaran ah iyo mid kale toona, caafimaadkiisa inaan wax ka sheego marna igama suurawdo, mana dhicin in aniga weligay arrin culus oo caafimaadka Faysal la xidhiidha laygu yeedhay.
Ta labaad luqad siyaasi maaha waxani, kamana turjumayo dhaqanka laygu yaqaano ee aan siyaasiyan dadka ula macaamilo, oo ah mid ka fayow cay qaawan oo lafjab ah oo aniga i karaama dilaysa, in aan cid ula badheedho. Waayo, waxani anigay cay igu yihiin, karaamadayda iyo mihnaydaydaana meel lagaga dhacay, sidaa darteed waxaa la faafiyay maaha wax aniga iga yimi, cidda samaysayna dembi wayn bay iga gashay, sharcigaanan la marayaa, ha caddeeyaan meeshay ka keeneen iyo sababta ay magacayga iyo ka Gudoomiyahaba ugu gabood faleen.
Walaalkay Faysalna hadduu arkay iyo haddaanuu aragba waxaan hubaa inuu fahmayo waxani in aanuu afkaygii ahayn, waxaanan rumaysnahay walaalkay Faysal wax kastoo laga sheego iyo meel kastoo loo soo dhex maraba inuu yahay nin ka koran oo fahmaya.”