Faysal ma waalnee Dowlada maskaxda yar baa waalan
Shalaybay ahayd markii Gudoomihii Kulmiye (Silaayo) uu hanjabaada iyo aflagaadada aan kala go’a lahayn.. kuna soo wada koobi karin halkan ay muncaarinadadiisu ahayd.
Shalaybay ahayd ninka xilka ka weyn loo dhiibay(Xirsi) ee la daala dhacaaya, xilka qaran ee uu hayo ku qaldaaya xafiisyadii Dahabshiil ee uu islaamada ku dhibi jirey. Shalaybay ahayd markii uu baabuurta qoryaha ku xidhaayey.
Shalaybay ahayd marka madaxweynihii dhamaa ee dalka lagu aaminay saqdii dhexe lasoo toosay UF iyo AQAS sidii dumar (Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye).
Shalaybay ahayd markii suaasha la weydiiyey ee sidii caadadu u ahayd cadho cadiifadeysan ku jawaabey ee lahaa hanala ixtiraamo (London)
Shalabay ahayd wasiirkii dhamaan ee qurbo jooga ingiriis-ku meelkasta uga yimaadeen si uu wax ugu sheego, la shiryimi gabay iyo hanjabaadii ruush…se umadii lamay yaabin waayo inintii yareed ee mudada u xidhnayd ayaan la ogaa markaa inay waxkastaa ka suurowdo cidi kama ay hadsoonayn.
Wallee tan in gorayo heeryaysanina way inagu soo mari, Intaas oo marxaladood inagoo la soo marnay sadexdii sanno ee ay xilka hayeen iyo waliba qaar kale oo badan, uguna dulqaadanayna, cabudhin, boob, dhac, dil, hanjabaad iyo maamul xumo, miyey maanta cay iyo aflagaado ku darsadeen.
Waxaan layaabey labada nin ee kala ah Xirsi iyo abdi dheere afkooda iyo erayada ay isticmaalayaan oo u eeg kuwii maqaaxida danlaawe iyo mafriska saaqidiinta. jawaabna siday u hadlayeen baa inoo ugu filan, waxayna yahiin laba nin xil oo culus umada u haya talow yaa saaqidnimo u dhashay?…
Xirsi eedii uu soo jeediyey daliil kumuu darin oo waxa uu cadayn ku sheegayo ee uu leeyahay faysal inuu khaainul wadan yahay waxaa cadayn u ah kan iyo kan iyo kan muu dhihin..sidaad uga sugayso inuu facts soo bandhigo ayuun buu khadkaba ka baxayaa oo uu bad kale iyo cay bilaabayaa. waligay maanta ka horba maan dhagaysan waxaan moodayay inuu intan dhaamo ee waa waaba MR ama wasiir Zero. Tallo: Fadlan dhiigshiil iskaga noqo.
Bottom of Form
Abdi dheere waxaan u malaynayaa in layidhi hadal se aanu isba waydiin waxii uu odhan lahaa, markaa xalay marfiskii saaqidiinta ee uu fadhinyey ku hadraayo saaka.
Umada Reer Somaliland waxaan u sheegayaa in lagaadhay waqtigii xukuumadan gacanteena ayeynu ku dooranay layska ridi lahaa intii aan qaranimadeena meel fog laga deydeyin.
Silaayo dalka ma xukumo, waa doorateen oo waad u hiiliseen laakin markii uu intan kayaraaba waa uu rakaab xumaa maantana maqaarkiisa uu baa madaxtooyada dhex yaal oo wax badan ma oga. Dhalinyarada reer somaliland kama liitaan reer masar ayaan filayaa. Raga dalka lexejecladu ka hayso ee ay ka mid yahiim Xasan Ciise & Moh’d Xaashi waxaan odhan lahaa dhakaad iga xigtaanbey dhaxantu umada ka haysaa.
Afka ayaan ka dhowrayey in badan oo waxaan sugaayey maalinta umadu taariikhdii Silaayo hoos u eegi dooto. Waxaan sugaayey maxkamad Silaayo aan saarilahaa oo suaalilahaa dil madaxdii SNM (hada laga bilaabona way bilaabantey waxna laysu dhowran maayo)oo ay kamid yihiin Ibraahim Koodbuur, Ina Koosaar, Adan Shiine iyo qaar kale oo badan. Xirsina waxaan odhan lahaa hadii aad difaaceyso oday ama uu ku soo direy guriga uu ku jiro eeg (waa quraarad) koleyn hada adna waad kula jirtaaye waayo dhalintii Ahmed dhagax lagu laayen baa kaa dhexqaylinaysee.
Muhamad Jama Koodbuur-Shiine
Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID