Faysal Cali Waraabe:kuwa leh UCID baanu ka baxnay waa Awr Garbo cad iyo qaar aanu salaatul shukri ka tukanay
Hargeysa Dec 17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay masuuliyiin la sheegay in ay xisbigaa ka tirsanaayeen oo ku biiray xisbiyada kale ee dalka.
Guddoomiyaha ayaa mar uu u waramayay TVga Universal ayaa sheegay in dadka leh xisbiga waanu ka baxnay aaney waxba kala tegeyn.
“Kuwa leh UCID baanu ka baxnay waa Awr garbo cad oo aan waxba sidin, saameyna ku yeelan maayaan taareeda xisbiga” ayuu yiri Gudoomiyaha UCID kiyoo dhoola cadeynaya.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay kuwa xisbiga ka baxa in intooda badan ay yihiin qaar dhibtoodu ay ka badneynd dheeftooda.
“Qaar badan oo ka mida kuwa naga tegay kolka ay tagaan waxaanu tukanaa salaatul Shukri”ayuu Guddoomiye Faysal mar kale yiri.
Xisbiyada Somaliland iyo siyaasiyiinta ka tirsan ayaa caadeystay in ay xisbiyada isaga kala gooshaan kolka ay soo dhawaato doorashooyinka.
SDN/QJ-Hargeysa