|

Faysal Cali Waraabe: ‘’Soomaali Ha Noolaato Walaalayaal’’

Burco (QJ/SDN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto sidii uu xisbigiisu Soomaaliya wax uga qaban lahaa, taas oo uu sheegay haddii uu xisbiga UCID talada dalka uu ku guulaysto ay boqolka maalmood ee ugu horreeya qorshaha ugu jirto sidii dalka Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

faysal-cali-waraabe

‘’Anaga waxa noo astaan ah haddaanu UCID nahay markaanu soo baxno boqolka maalmood ee u horreeya waxa nooga jira inaanu ka hadalno sidii Soomaaliya wax uga qaban lahayn,..’’ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Warabe oo ka hadlaayay xaflad uu xisbigiisu kusoo dhaweynaayay taageerayaal reer Burco ah oo xisbiga kusoo biiray.

‘’Insha allaahu tacaalaa dalkeenu dal khayr qaba ayuu noqon doonaa, insha allaahu soomaali oo dhan baynu caawin doonaa oo aynu wax u tari doonaa walaalayaal, ‘Soomaali ha noolaato walaalayaal’ ILLAAHAY soomaali silica haka saaro, ILLAAHAY quluubtooda ha isku soo jeediyo, ILLAAHAY soomaali madax wanaagsan ha siiyo, madaxdii ayaa ka xumaatee ILLAAHAY madax ha siiyo walaalayaal,..’’ ayuu markale yidhi Guddoomiye Waraabe

Dhanka kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadka reer SOOL ay isbadal wayn ku samayn karaan siyaasadda Somaliland haddii ay ka qayb-qaataan ‘’maanta waxaan idiin sheegayaa walaalayaal ka qayb-qaadashada ay ka qaadato Sool iyo sanaag bari ka qayb-qaadato Somaliland siyaasadda Somaliland boqolkiiba saddex iyo lixdan ayay badalaysaa isbadal wayn game changer ayaad noqonaysaan walaalayaal,..’’

 

Comments are closed