Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In La Isla Gartay In Doorkan Madaxweyne Loo Doorto Qofkii Somaliland Wax U Qaban Lahaa
Hargaysa 24. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorkani yahay kii isaga loo dooran lahaa Madaxweynaha Somaliland, maaddaama buu yidhi Daahir Rayaale iyo Siilaanyo-ba oo uu la soo tartamay Madaxweyne ka noqdeen Somaliland.
Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland, maaddaama buu yidhi aan in badan badbaadiyey isla-markaana uu hawlo badna u soo qabtay.
“Markii Daahir Rayaale la doortay waxa la yidhi arrintu in aanay ahayn I Isaaq oo keliya Gooni isku taagga doonayo aynu tusno, sidaas ayaa loo doortay Daahir Rayaale oo firkad fiican bay ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markii labaad waxa la yidhi Mujaahidiintii SNM ee Dhowrka jeer laga codeeyay Maanta waa innagu ceeb ee ha loo codeeyo ayaa la yidhi, mar Saddexaadkii waxa la yidhi Ninkii wax qaban lahaa ha loo codeeyo, kaasina waa Aniga haddii Alle yidhaahdo.”
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefiishanka Star Tv, “Waa Aniga Ninka intaas oo jeer badbaadiyey Somaliland, waana markaygii, ILAAHAY-baana Talada haya, markaa waxaa ilaahay ka baryayaa hadday khayr noo leedahay inuu kursigaa na geeyo, haddayna noo lahayn oo ay Aakhiradeyda lid ku tahayna (Aanu i geynin), waxaan doonayaa inaan Cimrigeyga khayr ku dhamaysto..”
Dhanka kale, Guddoomiyaha UCID oo Idaacad Fadhigeedu yahay Muqdisho u warramay ayaa si adag uga hadlay Xaaladda ay wakhtigan ku sugan tahay Soomaaliya, waxaanu canaantay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maamul-goboleedyada Puntland ay Puntland ka mid tahay, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay Madaxa iskaga duubeen Siyaasaddii Soomaali lagu hagi lahaa.
Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in Madaxweyne Xilka haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu baa’biiyey Soomaaliya, “Xasan Sheekh Dhibaatada uu Soomaali u geystay weligeed ka soo kaban mayso, haddaad ugu celisaana waa baaba’eeda. Xasan Sheekh waa Ninka Jubbaland bixiyey, ma Axmed Madoobe ayaa Kismaayo lahaa, oo Saakow lahaa, oo Janaale lahaa, aaway Dadkii Aqlabiyadda deegaanka ahaa. Maamul Gobolleedyadu waa waxa lagu baa’biinayo Soomaali, ee la doonayo in aanay noqonin Qaran. Ma Rayi baa Gobolka Mudug baa laba Maamul noqonaya, ma Caddaalad-baa Gaalkacayo ayaa laba Maamul noqonaysa. Ma Rayi baa Axmed Madoobe ayaa qaadanaya Digil iyo Midhifle, waar tashada oo iska saara Gaalada iyo Afrikaanka oo Taladiina la soo noqda.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, waxaanu intaa ku daray, “Soomaaliya waxa u taliya dhowr iyo labaatan Waddan oo Afrikaan ah iyo Reer Galbeedka, laakiin annagu waa nagaa Taladayada haysana ee Dalkayaga dhisanayna ee Horumarinayna ee Siyaasaddadayada gaarka ah leh. Laakiin Soomaaliya waa sidii Kontonkii Gacanta loo geliyey Talyaanig, waataa Qaramada Midoobay idinka kala qaybisay ee Magaalo kasta Madaxweyne u samaysay, waxaasi annaga wax saamayn ah ee naguma laha ee waa Dhibaato idinka idin haysata.”
Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyey in Dawladda uu Hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud inay horumar samaysay, ayaa ku jawaabay, “Dawladda aad sheegaysaa Xalane ma xukunto, Balli-doogle waxa ka socda ma oga, Garoonkii Baydhabo ee aan dhisay waxa ka socda ma ogidin, markaa waa Dal Lacag lagu dul-cunayo oo Afartii Sannadood ba Nin la odhanayo waa Madaxweyne, isaguna inta soo hadhay uu boobayo. Markaa waxaan idin leeyahay Somaliland iskaga hadha oo tiina ka hadla. Meesha talo kuma haysaan, ee Annagaa Soomaali u soo gurmayna, ee iska daaya Shir baa la qabanayaa oo Somaliland ka soo qayb-gelaysadaa aad Idaacadaha ka sheegaysaan.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in haddii Somaliland doonayso inay Soomaaliya wax la qaybsato aanay ku imanayn waxa loo yaqaanno DIR-WAQOOYI, laakiin ay ku imanayso Somaliland-tii Lixdankii, “Haddaan doonayo in Soomaali wax la qaybsado waxaan imanayaa Anigoo Somaliland-tii Lixdankiiya, laakiin ma imanayo Anigoo Dir-Waqooyi ah. Ma Annaga ayuu Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu Raysal-wasaare noo noqdaa, Ma Annaga ayuu Guddoomiye Baarlamaan noo noqdaa Jawaari, Ma Annaga ayuu Xasan Sheekh uu Madaxweyne noo noqdaa?. Waxaasi waa wixii aanu ka dagaalanay, Dalkayagana Annaga ayaa Gacanta ku haysanna, ee Idinkaa la idin haystaa ee is-hagaajiya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey inay jiraa Siyaasiyiin reer Somaliland oo Xilal ka haya Dawladda Federaalka Soomaaliya, “Nebi Muxamed (CSW) Dad baa ka soo horjeeday, ee waxa laga hadlayaa Shacab, markaasaad ka hadlaysaa shaqsi soo shaqo tagay.”