Faysal Cali Waraabe Oo Markii U Horreysay Qiray In Jamaal La Soo Saaray Xisbiga UCID, Kana Sheekeeyay Ballan Uu Kaga Yimid Qoyskiisa Qurbaha Deggan
Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horreysay qiray in Jamaal Cali Xuseen uu Xisbiga la soo saaray markii ay dhaceysay Doorashadii Golayaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacay Sannadkii 2012-kii, laakiin heshiiskii ay Musharraxa Madaxweynaha ugu doorteen aanu hirgelin, sidaa daraadeed xaq loogu leeyahay in lagula tartamo, maaddaama buu yidhi aan lagu qanacsanayn Musharraxnimadiisa.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale muujiyey inuu Hibateynayo in aanay wax muuqdaa ka hirgelin dedaalladiisa la xidhiidha aqoonsi Raadinta Somaliland iyo dhismaha Dawladnimo ee Somaliland, maaddaama buu yidhi laga seexday ictiraaf-raadinta Somaliland.
“Carruurtaydii waan ka tagay oo Aabo ahaan wixii xuquuq la iigu lahaa Maan gudanin, ballantii aan reerkayga kaga imidna waxay ahayd Baraf-baan idinkaga tagayaa, laakiin Qaran baan idiin samaynayaa oo aan Gacan ka geysanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray intii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay uu iskaga gudbay Qaaradaha Adduunka si uu u baadi goobo ictiraaf Somaliland ka hesho Beesha Caalamka, “Arrimo badan oo aanan Imika sheegayn oo Somaliland khuseeya ayaan Maraykanka, Dalalka Carabta, Afrika, Yurubiyaankaba u maray. Dubai-na waxaan u tagay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Wada-hadallada Khaatumo-na waanu tagi doonaa haddii Alle yidhaahdo oo Guddida ayaan ku jiraa (Dhinaca Somaliland ka socota). Waxa inoogu weyni waa sidaynu Ictiraaf u heli lahayn, sidaynu Ictiraaf u heli lahaynna waynu ka seexanay oo innagiibaa isku soo jeedsanay, Rag is-hayaana Rag iskama celiyo, markaa waxaan ku jiraa dagaalladaa ah inaan Somaliland ka mooso Shisheeyaha, markaa Suufi reer Somaliland ah ayaan ahay, oo sidaan u hurdo ayuun baa la igu yidhaahdaa Kac, markaasaan meel uun u baxaa.”
Faysal Cali Waraabe, oo la waydiiyey waxa uga meel yaalla Dacwadda u dhexeysa isaga iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali UCID oo sida sheegay Axadda Toddobaadka beri bilaabmaya ay Bilaabi doonto Maxkamadda Sare, ayaa sheegay in Jamaal Xaq u leeyahay inuu ku dacwiyo Musharraxnimadiisa, laakiin Xisbiga UCID aanu ku qancin Musharraxnimada Jamaal, “Jamaal Heshiis baanu wada-galnay, Musharrax baanu damacnay inaanu ka dhigno, Heshiiskaasina markii dambe muu hirgelin, oo waanu u bogi waynay, Waayo? Haddaad Madax tahay oo lagu arko wixii laguu dhiibay in aanad wadi kareynin waa lagula tartamayaa, markaa wax kale oo aanu ku samaynay ma jirto ee waxaanu nidhi waa lagula tartamayaa. Laakiin Ninkaan Xisbiga Toban doollarna ku darsan ee isagoon Taageerana keenin aanu ixtiraanay, laakiin Aflagaadada uun la soo taagani waa Cali-Gurey, laakiin Jamaal inuu Musharraxnimadiisa ku dacwoodo xaq-buu u leeyahay. Musharraxnimadiisana looma diidin ee waxa la yidhi ma Sharciyoobin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Jamaal uu Hanti geliyey sidii Xisbiga UCID uu mar kale saaxadda Siyaasadda ugu soo noqon lahaa markii la kala reebayey Xisbiyada Qaranka, “Jamaal waanu Qadarinaynaa oo Xisbiga markii aanu soo saareynay Gacan weyn buu ka geystay oo wax buu bixiyey (Dhaqaale), laakiin intii dambe Shilina muu gelin, dedaalna muu gelinin, haddana waanu ixtiraamaynaa oo Xisbiga waanu soo wada saarnay oo waa Runtii.”