|

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Dhawaaqay Inaan Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Ka Imanayn Gobollada Galbeedka Somaliland

Ceerigaabo 14. August 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay In Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenkiisu ka imanayo Gobollada Bariga Dalka, ee aanu ka imanayn Gobollada Galbeedka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo Safar ku jooga Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag oo ay ka socoto Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay inuu doonayo in Dalka la isku dhiili-tiro oo marka Musharraxa Madaxweynuhu ka yimaaddo Galbeedka Dalka, uu Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenkuna ka yimaaddoo bariga.

Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan idiinku bushaaraynayaa in Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID inuu ka imanayo Gobollada bariga Somaliland, weliba Gobolka Sanaag, markaa Dalkii waxbaad ku yeelateen Haddaad tihiin Reer Sanaag, markaa Madaxweyne ku-xigeenka iman doona ee Madaxtooyada fadhiisan doona haddii Alle yidhaahdo wuxuu ka iman doonaa Gobolka Sanaag.”

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay “Annaga Madaxweyne ku-xigeenkayagu noqon maayo Miis iska madhan, ee Arrimaha oo dhan isaga ayaanu u dhiibaynaa oo isagaa Masuul ka noqonayo haddii Alle yidhaahdo, Arrimaha Dibedda iyo Difaaca mooyaane..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xisbi kale oo Madaxweyne ku-xigeen idiin haya oo aan UCID ahayn ma jiro, markaa waxaanu rabnaa inaanu Dadkeena barno in Dalka la isku dhiilo-tiro, oo haddii Musharraxa Madaxweynuhu ka yimaaddo Galbeed, uu Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenkuna waa inuu ka yimaaddo Bariga Dalka. Marka ay Kaadh-qaadashadu naga dhamaato ayaanu qaban doonaa Shirkii Golaha Dhexe, markaas ayaanu soo bandhigaynaa.”

Comments are closed