|

Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay Xanta ku dhawaanshaha KULMIYE iyo Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay ka jawaabay hadal-haynta u dhawaanshaha Xukuumadda iyo Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ee beryahan dambe lagu xanto, waxaanu sheegay inaanu KULMIYE ka tirsan, balse tartan ka dhexeeyo Xisbigaas, kuna rejo-weyn yahay inuu ka guulaysto.

Faysal Cali WaraabeGuddomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey Xaflad habeenkii Jimcaha Hargeysa loogu qabtay Guddigii soo saxeexay Heshiiska Dekedda Berbera ee Somaliland la gashay Shirkadda DP World Isniintii inna dhaaftay, waxaanu sheegay mar uu ka hadlayey heshiiskaas inaan wax lacag ah oo wakhtigan laga soo qaaday Shirkaddaas Dekedda lagu wareejinayo jirin ee uu heshiisku bilaw yahay. Waxaanu sidoo kale ka hadlay muranka ka taagan lixda goobood ee deegaannada Xeebta ee Waqooyiga Hargeysa.

Haddaba, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Hadalkiisaas oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan Daawadayaal, Dhegeystayaal iyo Akhristayaal-ba:-

Comments are closed