|

Fasixii Shaqaalaha Somaliland ee Curashada Sannadka Cusub oo dib loogu riixay Khamiista waa Maxay Sababtu.

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa Shaqaale Weynaha Somaliland ku Wargaliyay inay Fasax ka noqon doonaan Hawlihii Shaqo ee ay Ummada u Hayeen Maalinta Beri ah ah Curashada Sannadka Cusub ee 2014ka Taariikhdu tahay 01.Jan ee Sannadka Cusub ee 2014.

Wasiirka Shaqada 2Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ayuu Wasiir Garaad ku sheegay om Sida uu Dhigayo Xeerka Shaqaalaha rayidka ahi ay Shaqaaluhu Xaq u leeyihiinomau Helaan Fasaxooda Maalmaha ku Xiga sidaa daraadeedna lagu Wargalinayo in Shaqaalaha Dalku ay maalinta Khamiista ah oo bishu tahay 2-da Jan ay fasax ka yihiin Shaqadooda .

Waxa uu Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Bare Garaad Hambalyo u diray Guud ahaan Shaqaale Weynaha Somaliland inay Sannadkan kiisa ku  gaadhaan Bash Bash iyo Barwaaqo ku gaadhaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha dawlada Mudane Nuux Sh.Muuse Ducaale ayaa isna Warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dib loo dhigay maalintii Fasaxa Shaqaalaha ee Sannadka Cusub ee Miilaadiga oo arbacada beri ku began lagana dhigay maalinta Khamiista .

Waxa uu Gudoomiyuhu Hambalyo u diray Guud ahaan Shaqaalaha Somaliland oo uu Eebbe uga baryay inay Sannadkan kiisa ku gaadhan bashbash iyo badhaadhe.

Fasaxan ayaa Sida uu dhigayo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland waxa uu Sheegayaa in hadii uu Sannadka Cusub galo labada Cisho ee u danbeeya ee Todobaadka oo ah Arbacada Ama Khamiista maalinta fasaxa ahi ay noqonayso Arbacada hadii uu dhamaan lahaa Khamiistana waxaa fasaxu noqon lahaa Maalinta Sabtida

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com.

 

Comments are closed