“Fasirka maxkamaddu ma filayo inuu ka fogaan doono Muddo-kordhinta Guurtida sababtoo ah waxa yaalla qoddobo distoori ah.”Axmed Y. Yaasiin.
Hargeysa:Aug,16,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka Hadlay natiijada laga filan karo Maxkamadda Sare ee Dalka oo Haatan Gacanta ku haysa Codsi madaxweyne Siilaanyo kaga codsaday inay tafsiir ka bixiso muranka ka taagan muddo-kordhinta.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlayey shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa tilmaamay inay u egtahay inaanay maxkamadda sare soo saari doonin natiijo ka hor iman karta muddo-kordhintii ay guurtidu u samaysay xukuumadda, isagoo intaas ku daray inay gebi ahaanba dalka u fiican tahay inay maxkamadda sare arrinta haatan gacanta ku hayso,
“Fasirka maxkamaddu ma filayo inuu ka fogaan doono Muddo-kordhinta Guurtida sababtoo ah waxa yaalla qoddobo distoori ah. haddii ay tafsiirka soo saarto waxan isleeyahay waa wax u fiican labada dhinacba, mucaaridka way u fiican tahayoo marka ay tafsiirkaaas raacaan waxay noqonaysaa wakhti kama dambays ah oo aan dib looga guuri doono oo xukuumaddu ku khasbanaan doonto inay ku hawlgasho.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Mudane Yaasiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka Hadlay Cabashada Reer Awdal ka keeneen Xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiillada, waxana uu soo jeediyey sida uu u arko in xalkaas haatan lagaga bixi karo, waxana uu yidhi,“Reer Awdal waxan leeyahay ha cabaninee Kordhiya Tirada musharraxiinta Hargeysa, maadaama aad horeba xubno ugu yeelateen. Waana ta ugu sahlan ee aad saamiga maqan ku heli kartaan”
Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa sababta xukuumad kasta oo Somaliland hoggaamisa muddo-kordhin u codsato, waxana uu yidhi,“Maalinta Diiwaangelin ama tiro-koob la helo doorasho dambe oo dib u dhacaysaa jiri mayso” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.