Fashilaada SAHAL & Faqashta Cusub
Waa Jabhad ay isku bahaysteen intii aan Dad,Diin iyo Dal toona dan kalahayn isla markaana looba aaneeyo intii Qaranimada soomali xididada u siibtay isla markaanay ay ka saldhigi wayday.
Siday aynu ognahay Jabhadayntu sideeduba waa Mabda iyo Aragti ku dagaalan balse SAHAL marnaba malahan Ujeedo iyo Aragti aan ka ahayn Nacayb iyo Xaasidnimo ku wajahan cidgaara iyo cabsida ay ka qabaan la xisaabtan kaga yimaada Haday cidaasi Guulaysato iyo sidoo kale Hadiiba Dawlad Adagi ka dhisanto Muqdisho in ladaba galo.
SAHAL waxay ka unkantay Garoowe waxaanay ku baahday kuna fiday dhamaan Dunida inta soomali joogto oo way balaadhatay cid ay sadheeyeen iyo kuwo si Rasmi ah ugu biirtayba waxay Fadhiyo ku leedahay Hargeisa & Muqdisho waxay ku dadaashaa sidii ay iskaga kala Dabqaadi lahayd Hargeisa iyo Muqdisho iyo inay had iyo jeer kala fogeeyaan kalana ilaaliyaan isu soo dhawaanshahooda si’aanay cida ay XASADKA kuyihiin u guulaysan maadaama ujeedada ugu wayni tahay isfahan la’aan ka dhaxaysa 2da dhinac oo mudoba loo kala waramaayay.
SAHAL waxay leedahay Plan B ama waji labaad oo ah inay ku dagaalanto Qoriga balse Ayaandaro Qori waxa ku dagaalam nin Mabda’a lagu dhinto ku dagaalamaaya ama ku doodaya si’ay taasi ugu suurtowdo waxay adeegsadaan Maangaabka iyo inta liidata oo dhan si ay uga dhaadhiciyaan Aragtidooda waxaanay adeegsadaan Qaab qabiileed iyo Dhulkaagiibaa la haystaa ee Xorayso.
SAHAL waa koox ku fashilantay siyaasada oo lagaga itaal roonaaday dhanwalba kadib markii Geed la iskaga xidhay waxay bilowday Jabhadaynta Qalinka iyo Qabyaalad iyo Cataw waqtigiisii dhamaday meelwalba inay la taagnaadaan waa xili Dunidii Xaqiiqdii la taabsiiyay fartana lagu wada fiiqay si adagna looga wada Horyimi xataa Dadkay Magacyadooda ku qadhaabtaan uma joojiyaan oo waxay arkaan inaanay Xaq ahayn.
SAHAL waxay geed dheer iyo mid gaabanba ugu jirtaa Curyaaminta Himilada ciday cadawga tooskaa ku yihiin iyo Abuurista xaaladkasta oo wiiqi karta ,waa siday Qabaane balse ma oga meel loogu tashaday iyo in geed la’iskaga xidhay First Half kii ciyaartaba xiligay Yaacyaacayaan waa lastminute kii Ayaandaro waynaa ,waxaanay ogayn in xataa lasoo Naqaystay cida usha loo dhiibaayo..Bal dba.
SAHAL waxay uga cadahay uguna badisaa dhiig soomaaliyeed oo daata iyo dagaal sokeeye inay Huriso balse ilaa hada jiif iyo joogna diiday meelwalbana ka wareegtay siday rabtayna u suuroobi wayday sababtoo ah waa laga Horeeya lagana Aragti dheeryahay Bahwaynta Maangaabyada isku Bahaystay SAHAL waa X-FAQASH iyo intay Hiraabsheen hada waxaabay samaysteen TV’s ugaara oo Carigsi iyo taariikh aan jirin samayn itaalbaaska ay isleeyihiin waa la idinka qaadan.
SAHAL waxay kashifmeen maalintay soo adeegsadeen kuwii ugu dadnimo iyo diinba liitay soomalida ee aan Ceesaan Halawday aan la waydiin jirin sida Daahir Calasow iyo Aamin Caamir iyo kuwa kasooo Shubma Kalsan Tv iyo kuwo kale oo aanan Magacdhabayn,waxay fashilmeen maalintay Munaafaqada oo cida ku dhaqanta xaga Alle laga Nacdalo Cuqubona ku dhacdo ay adeegsadeen ee Been abuuris iyo iska horkeenis ay miciinsadeen.
SAHAL haatan jabe balse waxa u eeg inay shubanka iyo badhbadha ka dhamaatay iyo Habro iska soo Horaysiinta ay joojiyaan .
Hadaad maqashay Faroole hada waa Madoobe Captainka cusub ee lagu raadgadanayaa ,miskiin uma dhacsana siyaasadu ee miskiinka waa la Hodayaa Buudi madhana laga kiraynayaa.
SAHAL waxaan marnaba ka maqnayn gacan shisheeye ama Dawlad kale oo Madaxda sare sigaara iskugu xidhanyihiin kuwaas oo mudoba Sijaayad walba ugu tukaday sidii ay mijo Xaabin lahaayeen Qaran dadkiis u tashadeen Illaahayna ilaashanaayo oo Xaq udirir ah.
Waa qaranka alle u hiishay Nacabkiisii waa waynaana Alle markaliyaata Maaruqay mee Qadaafi,Aaway Hussni Mubarak,Alle Qaad laba wajiile M.Z ,Aaway Sadam Hussein,Xaguu ku danbeeyay Masiibo S.B”Sawtuu shubanka & daacuunka u dhintay,waliba ayaan daradiisa suuli ku dhintay”Maxaa ruxaaya I.O.G iyo waliba kuwo kale oo ahaa Rukumadii inta Badan Hortaagnaa Qaranka Tawxiidka sudhay Dushiisa.
Marba Haduu intaas Alle margacanta marshay inta hadhayna waa iska fududahay sida ay u Jabaan SAHAL-na anagaa iskaga filan marba haduu alle nagaga filnaaday waawaynkii ,SAHAL waaba Sahaalo sida magacooda Nuxurkiisa ka muuqata kuma fadhiyaan Macno wayn oo dhaafsiisan Xaasidnimo iyo Xadjirnimo Nacayb cadaawadaysani ku fogaatay Alle idiinma Naxariisto Hadaan idhaa ma xumi malaha.
Waa Nimanka la soo istaagay Diyaaradihii Sayidka lagu Duqeeyay waxa ka danbeeyay SNM waxaanay ka soo kaceen caro SNM ,ma amaanbaa mise tolow Shubankaa la galay.
Waxaan kusoo Gaabshay:-
Gacalayaaloow waydun fogaateene isdaba qabta xaqiiqda oo la dafiraa la iskana indho tiraa Qoomamadaas ayay leedee Mabda samaysta la iskama Caashaqo Reenka Kaarahee.
SAXID:-
Faqash marnaba maaha magac Reereed ama cid gaar ah looga danleeyahay oo ka Baxsan Askartii Masiibo S.B Askartii Dawladii Kacaankuna cid gaar ah may ahayn ee dhamaan Bulshada soomalida way ka koobnayd Qaybaheeda kala duwan Balse Hab qaldanbaa loo adeegsaday Halkay Cadaw ka difaaci lahaayeena waxa laga Horkeenay Shacabkii.
Marnaba Erayga Faqash yaan loo fasiran siqaldan ama in loola jeedo Cid gaar ah.
DULUC:-
Illaahaybaa Mahad leh -Nebigaa Sharaf leh CSW