|

Fashilaad Wasiirka Maaliyadda Somaliland Kala Soo Deristay Diyaarin La’aanta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2017 oo Maalmo Yari Ka Hadhsan Yihiin

Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Wasaarada maaliyada Jamhuuriyda Somaliland oo wakiil uga ah qaranka dajinta qiimeynta iyo odoroska, miisaaniyad sanadeedka xukuumadu ay ku hawl galeyso, wasiirkana ay ka tahay Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ku fashilantay odoroska abuurida iyo qiimeynta miisaaniyad sanadeedka 2017-ka.

Wasiirad SamSamSanad kasta inti xukuumada Madaxweyne Siilaanyo jirtay waxaa la diyaarin jiray bisha tobnaad ilaa koob iyo tobnaad miisaaniyada lagu dhaqmayo sanadka soo socda.

Wasaarada Maaliyada Somaliland oo ay shaqadeeda tahay inay ka hawl gasho arrimahan ayaan wakhtigan xaadirka ah, ka mashquushay shaqadeedi aheyd inay diyaariso odoroska miisaaniyada 2017-ka.
Wasiir SamSam Cabdi Aadan ayaa Xiligan Socdaal ku Joogta Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.
Isku soo wada xooriyo wasaarada maaliyada Somaliland ayay shaqadeedi noqotay gaar ahaan wasiirku, inay raaligaliso oo ay shaqada qaranka kaga mashquusho qoyska madaxtooyada iyo waliba shaqsiyaad ay aad isugu dhaw yihiin.

Comments are closed