Fashil Markale Ku Habsaday Fadhigii Baarlamaanka Somalia iyo Nuqulladii Xil-ka-qaadista Oo Mudanayashu Jeexjeexeen
Muqdisho:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Fadhigii Maanta ee Golaha Baarlamaanka Somalia oo la horkeenay Mooshin ka dhan Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli, ayaa fashi ku dhamaaday Markii saddexaad oo xidhiidh ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya iyo Ku Xigeenadiisa, ayaa isaga tagey Xarunta Golaha Shacabka, kadib markii laga horjoogsaday inuu si caadi ah uu u shir guddoomiyo kalfadhiga Baarlamaanka.
Shaqaalaha Baarlamaanka, ayaa waxay waraaqaha mooshinka u qaybiyeen Xildhibaanada taageersan mooshinka, iyagoona loo sheegay in muddo shan cisho ah ay ku soo akhristaan.
Xildhibaanada mooshinka ka biyo diidan, ayaa waxay si xoog ah ay u qaadaceen mooshinkaasi, iyagoona jeex jeexay waraaqihii mooshinku ku qornaayeen, isla-markaana adeegsaday Xeelad kasta oo Mooshinkaas lagu hor istaagi karo.
Xildhibaanada labada garab u kala jabsan, ayaa kulanka kan xigga isagu iman doona shan cisho ka dib, waxana ay sii Amba qaadi doonaan Mooshinkan, waxana su’aali ka taagan tahay Sidii Moshinkaas loo dhaqangelin lahaa.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegeysa in kulankii maanta uu ahaa midkii ugu xasaasinaa ee ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, marka loo eeggo heerka ay marxaladu mareyso.
SDN/QJ