Fashil Horleh Oo Ku Yimi Barnaamij Waxbarasho Oo Dawladda Xasan Sheekh Hore Ugu Dhawaaqday
Muqdisho:25-Jan-2014(SDN)-Waxa Jira Astaamo Muujinaya inuu Fashilmay Mid ka mid ah Barnaamijyadii ugu qaalisanaa ee ay xukuumadda Xasan sheekh Maxamuud Maqashiisay Dhegaha Dadweynaha muddadii ay jirtay.
Barnaamijkii “Aada Dugsiyada” ee ay hormoodka ka ahayd Wasaaradda Waxbarashada Somalia, ayaa Haatan la Waayey, waxana la is weydiinayaa meesha uu Barnaamijkaasi maray.
Barnaamijkan ayey Xukuumadda Federalka Somalia ku Ballan qaadday inay Carruur Soomaaliyeed oo ka Badan Hal Milyan ay waxbarasho Bilaash ah heli doonaan, waxase taasi Beenowday markii Macallimiintii Dugsiyada Dhigaysay ay Muddo waayeen Mushaharkii ay ku shaqanayeen.
In ka badan 300 oo macallin oo ka shaqeeya gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabayeen Khamiistii (16-kii January) ka dib markii ay xukuumaddu siin wayday mushaarkooda oo buuxa bishan ku saddex, sida laga soo xigtay Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir.
“Waxaan go’aan ku gaadhnay in aan shaqada joojinno ka dib markii aan waynay xuquuqdeenii, waxaanan shaqada ku laabanaynaa marka nala siiyo xuquuqdeenna,” Maslax Xaashi Dhoore, oo ah guddoomiyaha ururka oo 23-jir ah, ayaa yidhi.
Wuxuu sheegay in ay 316 macallin ku jiraan ururka waxayna 40,000-50,000 oo arday wax ku baran 17 dugsi oo ku yaala Muqdisho.
Arrintan ayaa dhabar-jab ku ah dedaalkii dawladda iyo Ballamihii ay shacabka dagaaladu aafeeyeen u sameeyeen xilligii ay xukunka ku cusbayd, kuwaas oo yididiilo geliyey kumanaan waalidiin dan yar ah oo aan tahli karaynin inay Ubadkooda geeyaan Dugsiyo lacag lagu dhigayo.
Lacagta Mushaharka ah ee haatan bishii Saddexaad ka maqan macallimiinta ayaa la sheegay inay ka maqan tahay dhinaca dawladda oo aan qaybteedii Bixinin, waxana ay macallimiintu sheegeen inay Hay’adda Unicef oo qayb ahaan lacagta bixinaysay ay Hawsheedii Habsami u socoto.
Lama garan karo qaabka loo lunsaday Lacagtaas lagu maalgelinayey waxbarashada Bilaashka ah, waxase hubaal ah in cid gaar ahi jeebka ku shubatay Malaayiin lacag ah oo loogu talo galay in la siiyo macallimiinta Dugsiyada wax ka dhigta.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com