|

Fasax Wakiiladda,Ciidan la soo Dhoobay, Aragtida Gudoomiye Saleebaan Gaal ee Khilaafka Wakiiladda,Dooda Xukuumadda ee eedaynta Gudoomiye Cirro iyo Mawqifkooda Kaydka Haamaha Shiidaalka DAAWO

wakiiladaHargaysa 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Fadhigan Maanta oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa Xildhibaanadda ku Wargeliyey in Goluhu gelayo Fasax dhan Mudo toban Cisho ah isagoo intaas ku daray in dibada lagu soo dhamaynayo Khilaafkii Koobnaa ee soo kala dhex galay Shirgudoonka Golaha Wakiiladda.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gudidda Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay in Gudidoodu gacanta ku hayso Khilaafkii dhex maray Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Ku Xigeenkiisa 1aad Mudane Baashe Maxamed.

Dhinaca Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa sheegay in Khilaafkani uu ku dhamaan doono Wada hadal isagoo Saxaafadana ku booriyay inaanay Sii Hurin Is Maandhaafka Goaha Wakiiladda Ka Dhex dhashay.

Geesta kale Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa dhiniciisa sheegay in Ay Xukuumada ka Go’an tahay in ay dhex-dhexaadin ka gasho golaha iyo in Kale isaga oo cadeeyay in Ay diyaar u tahay in Ay ka hawl gasho
Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu waxaa kale oo uu sheegay inay xukuumaddu xaq u leedahay Wareejinta Haamaha Keydka Berbera, isagoo intaas ku daray in latashi la’aantii Guddoomiye Cirro ee labadiisa Ku-xigeen ay keentay khilaafkii Gacan ka hadalka isku beddelay.

Comments are closed