Farshaxan Amin Caamir Oo Sawir Ku Muujiyay Burburka Xukuumadda Kulmiye.
Hargeysa,27Oct,2015(QJ/SDN)-Farshaxanka Amin-Arts, ayaa Sawir gacmeed ku muujiyay burburka ku yimi xukuumada madaxwayne Siilaanyo.
Haddii madaxwaynaha ina hufnaan hogaamiyenimo iyo tudhaale dal ku jiro kursiga wuu baneyn lahaa, waayo shantii Sanno ee dadku u coddeeyeen xilkii wuu ku fashilmay oo dalka doorasho wuu gaadhsiin kari waayey. Ta labaad muxuu dal hogaamiyaa xisbigiisii baa gacantiisa ku burburay oo xubnihii xukuumadiisa ugu cadcaddaa hadhcad yidhaahdeen “Rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaac”
Jaantuuskan hoose ee Amiin Caamir wuxu tilmaamayaa garowshiiyo la’aanta madaxwayne Siilaanyo uu maalintii shalay kaga falceliyey xubnaha xukuumadiida baneeyey “la isu joojin maayo oo ciddii xukuumadda ka baxday booskooda waan buuxinayaa”.
Dalku badbaaduu u baahan yahay, meeye goleyaashii sharci dejintu????