Farshaxan Amiin Caamir oo Sawir Kartoon Ku Muujiyey Cida Ka Danbaysay Mooshinkii Xilka lagaga Xayuubiyey Madaxweynihii Gal Mudug
Cadaado 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maalintii Shalay ayaa kal fadhi ay yeesheen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay xilka uga qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Ilaa hada waxaa dadka Odorosa Siyaasada ay sheegayaan in Mooshinkan uu yahay Mid danno siyaasadeed laga leeyahay ,Madaxweyanah Galmudug oo hadlayna waxaa uu xaqiijiyay in la doonayo in xaalad qatar ah oo in la geliyo galmudug uu yahay damaca xilka looga qaaday.
Amiin Caamir oo isagu siyaasada Soomaaliya si weyn ugu dhuun daloola ayaa Soo bandhigay ama kashifay Shaqsiyaadka ka dambeeya Mooshinka Xilka Looga Qaaday Madaxweynaha Galmudg.