Farqiga U Dhaxeeya Is-Barbar Dhig Lagu Sameeyey Dakhliga Imaaraadku Ku Kiraystay Saldhigga Milatari Ee Eretria Iyo Kan Madaxtooyadu Bixisay!
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Inkasta oo aanu si cad uga muuqan kharash ahaan waxa lagu kireeyey dhukumantigii nuxurka heshiiska lagu sheegay ee xukuumaddu Golayaasha labada aqal marsiisatay toddobaadkii hore haddana waxa soo baxaya xogo kala duwan oo la xidhiidha xaddiga lacagaha xukuumaddu qaadanayso ee heshiiskaasi ku kacayo oo qaarkood ku sheegeen kuwo badan kuwo kalena ku tilmaameen kuwo fara guudkood ah oo aan u qalin in qarankan lagu khiyaameeyo.
Ambasaddor Axmed Safiina oo ah Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islamka ee xisbiga WADDANI ayaa is barbar dhig lacageed ku sameeyey xaddiga dalka Imaaraadku ku bixinayo saldhigayada Musawac iyo Berbera isaga oo tilmaamay in lacagta uu Imaaraadku ku bixinayo saldhigga Milatari ee Eretrea ka baddan yahay xaddi aan la rumaysan Karin marka loogu xaddiga la sheegay in uu ku kiraysanayo saldhigga Berbera kaasi oo u muuqda mid bakhsid ah.
Amabsaddor Axmed Safiina oo qoraal kooban oo uu arrinkan kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu yidhi: “Hordhaca xaqiiqooyin soo if baxaya. Bayska milatari ee Imaaraadka laga kiraynayo lacagta lagu kiraynayo waxay dhantahay $450,000,000 waa afar boql iyo konton malyan muddo dhan 30 sano oo U dhiganta $15,000,000 Shan iyo Toban malyan sannadkiiba. Kuwa lamidka ah ee geeska Afrika ku yaalla waxaa lagu kireyay qaarkood sanadkii $60,000,000 iyo $70,000,000. Shacabka somaliland waxaa lay noo sheegay in lagu kiraynayo barbara 1,200,000$ Hal milayn iyo laba boqol hadaba Su’aashu waxa weeye yaa qaadanaya inta kale ee dhan 13,800,000$ saddex iyo toban milayan iyo sideed boqol. Bakhaar ku yaal Hargaysa suuqa Waaheen ayaa ka badan $1,200,000. Waxaa la arki jiray musuq maasuq dhan %10 boqol kiiba Toban ilaa %30 lama arag Abid musuq maasuq 90% boqol kiiba sagaashan gaadha. Shacboow walaahi ninka Ina musuqayaa Diin, Qaranimo, Qabiil, Saaxiibtinimo iyo Xisbi midna muu xeerin ee yaan intaa midna loo eegin. Xisbiyada Somaliland dhamaan waa xisbigii qaran oo danta qaranka ilaaliya laakiin saaxibul musqmaasuq waa daalin dulliya yaan la difaacin. Nabigu wuxuu yidhi: “Alle ha nacdalo ka laaluushka bixiya iyo ka qaatayba iyo ka U kala qaaday. Haduu baysku xalaal yahay maxaa loo qaybinay laaluushka dhamaan xildhibaanada sadexda xisbi qaran way qaateen in ilaahay ka baqaysa mooyee iyo intii ka dareertay iyo ragii xooga lagaga saaray golaha barlamaanka. Ka laaluush ka qaatay ama xildhibaan ha noqdo ama Oday ha noqdo iyo ka bixiyay ama U kala qaaday haduu ila xisbi yahay ama ila qabiil yahay walaahi waan ka soo hor jeedaa waana ii cadaw dalkaygana waa U cadaw.
Daalimiintu ha dhacaan
Amb Ahmed Safiina
Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islamka ee xisbiga WADDANI.