Faroole Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Xalinta Khilaafka Ka Taagan Maamulka Jubaland
Garoowe March 25 2013 (SDN)– Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta khilaafaadka kala duwan ee ka taagan maamulka Jubaland ee iminka shirarkiisa ay ka socdaan Magaalada Kismaayo.
Isaga oo ka hor hadlaye mudanayaasha Baarlamaanka ee maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in hadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu gaaro Magaalada Kismaayo ay wanaagsan tahay in lasoo afjaro khilaafka dhanka maamulka ee ka taagan Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa rajo aad uwanaagsan wuxuu ka muujiyay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu soo gabagabeeyo khilaafka Jubbaland ayna isfahmaan masuuliyiinta horboodaysa shirka Jubbaland.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka usheegay in loo baahan yahay in la sameyo horusocod ku aadan in doorashooyinka Golaha deegaanka la galo.
Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa imaanaya iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu tagayo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
SDN-Garoowe