|

Farogelin Qaawan Oo Ethiopia Ku Hayso Xulashada Ra’isal Wasaaraha Cusub Iyo Golaha Wasiirrada

Muqdisho:Dec,15,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Dadka Madaxtooyada Somalia ka Ag dhawi, waxa Madaxweynaha laga dareemayaa Farogelin Qaawan oo kaga imanaysa Dawladda Ethiopia, taas oo doonaysa inay talo ku yeelato cidda Noqon doonta Ra’isal wasaaraha soo socda ee Somaalia yeelan doonto ayaamaha soo socda.

golrSaraakiil caan ah balse aan magacyadooda la shaacin oo ka socda Dalka Ethiopia, ayaa ku sugan Aqalka Madaxtoyada Somalia, waxana ay madaxweynaha ku cadaadinayaan in Ra’isal wasaaraha ka sokow ay Golaha wasiirrada ku yeeshaan Xubno iyaga saaxiib dhaw la ah, kuwaas oo inta badan fuliya Awaamiirtooda dhanka Somalia kasoo gasha.

Ethiopia ayaa waxa ay dooneysaa in wasiirka maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalana loo magacaabo ra’iisul wasaare, sidoo kalena xubno ay wadato la siiyo xilal wasiiro.

Dowlada Ethiopia, ayaa waxa ay Xukuumadii la riday ee C/weli Sheekh Axmed ku laheyd ilaa Afar Wasiir iyo ku-xigeeno ay iyada xilkaasi magacaabidiisa usoo dhameysay, waxa ayna hada u muuqaneysaa inay ku hamiyeyso inay Wasiiro cusub ku dhex yeelato Xukuumada Cusub.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu culeys kaasi lamid ah kasoo foodsaarayaa Dowladaha Ugandha, Kenya oo iyagu saaxiib dhow la ah DF Somalia, waxa ayna saf dheer ugu jiraan in Xukuumada Cusub ay ku dhex yeeshan Xubno u fududeeya danaha ay ka leeyihiin Somalia.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed