|

Faro Gelintii Xukuuumada ee Golaha Wakiilada oo uu Telefishanka Qaranku ka Marag kacay

Hargaysa 13.Feb 2014 (SDN)- Garabka uu Hogaamiyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Axsaabta Mucaaridka ayaa tan iyo Markii uu Khilaafku ka Dhex aloosmay Golaha Wakiilada waxay ku Celceliyeen in Xukuuumada Madaxweyne Siilaanyo ay faro galin toos ah ku hayso Golaha Wakiilada isla markaana ay Mudanayaal ka tirsan Aqalkaasi oo Iyada taabacsan ay Kulamo kula qaadatay Guriga Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland .

 

Inkastoo dawladu iska fogaysay eedahaasi,hadana waxaa Marag Cad u furay Telefishanka ay Xukuuumadu Maamusho kaas oo labadii Habeen ee u danbeeyay Faafinayay dhaliilo Xoogan oo loo soo Jeedinayo Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Mudane Cirro,iyadoo uu Telefishanku si Joogto ah u baahiyay Kooxo la soo abaabulay oo Dhaleecayn u soo Jeedinaya Mudane C.raxmaan Cirro,Iyagoo Si Cad u Sheegay in Kursiga uu Gudoomiyuhu ku fadhiyo ay iska leeyihiin Beesha Gobolka Sool ee uu ka Soo Jeedo Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax,Waxaa kale oo Telefishanku uu si aan Qarsoodi lahayn eedo ugu Jeedinayaa Beesha uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo Gudoomiye Cirro,Iyadoo Gudoomiyaha Aqalka Wakiiladana lala Maseeyay inuu la Mid yahay Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre ee Gabood falka ka Galay Ummada Somaliland.

 

Abaabulka Telefishanka ee baahinta Hadalada Xanafta leh ee laga duubay dadka lagu magacaabo “Weji ku Macaash” ayaa hadaladoodu waxay ka hor imanayaan isla markaana Qoomayaan Waan Waantii ay Khilaafka Wakiilada ka Galeen Ergada Milgaha ku leh Qaranka Somaliland ee uu u horeeyo Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe.

 

Si kastaba ha ahaatee Waxay Amuurtani  Cadayn u tahay in Xukuuumadu aanay Weli ka Quusan sidii ay u ridi lahayd Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maadaama Goobta laga Faafinayo Wararkan ay tahay Telefishanka ay Maamusho Xukuumadu iyadoo Wariyeyaasha Goboladana amar lagu Siiyay inay soo uruuriyaan aragtiyaha Lidigaku ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada .

Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku eedeeyay Maamulka –

Telefishanka qaranku in ay hurinayaan dab, ka dib markii ay Telefishanka labadii habeen ee ugu dambeeyay ka baahiyeen odayaal cambaaraynaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxaanu yidhi “Waxa ay Golaha Guurtidu ku hawlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada oo meel adag gaadhay, runtiina hawluhu sidii ugu fiicnaa ayay u socdaan.
hadaba waxa aan u holaday in aan wax yar ka idhaahdo warar lagu baahinayo Telefishanka qaranka,  kaas oo soo fadhiisinaya odayaal uu sheegay in ay cambaaraynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
waxa aan leeyahay arrintaasi wax uun bay sii xumaynaysaa ee waa in uu telefishankaasi joojiyaa wararka dhinaca ka raran” ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Riyo.

Shabakada Qurbejoog.com waxay u balanqaadaysaa Bah’da ku Xidhan inay u Soo Gudbin doonto Muuqaalada anshaxa iyo asluubta Saxaafadeed ka fog ee kala qoqobaya Shacabka Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed