|

“Farmaajo waxa uu Madaxweyne u yahay Xamar, halkaas ha ku ekaado” Dr. Cali Khaliif Galeydh DAAWO

Jabuuti 14. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo kulan kula leh magalada Jabuuti saraakiil ka socota Somaliland ayaa sheegey in Puntland ay tahay cadowga koowaad.

 

Waxaa uu sheegay in maamulka Puntland uu dhibaatooyin ku hayo shacabka degaanada hoos taga maamulka Khaatumo isagoo reer khaatumo ugu baaqay iney meel uga soo wada jeestaan.

 

“Inta cadowga nagu ah oo Puntland ka kow tahayna meel baan uga soo jeedsaneynaa, in badan baa abtirsiimo xabadka naloogu garaacay, taasna waan ka kornay” ayuu hadalkiisa ku daray Galeyr.

 

Waxaa uu amaanay madaxweyne Siilaanyo oo uu xusay iney dhab ka tahay sidii loo xal loogu heli lahaa degaanada maamulka Khaatumo wuxuuna xusay in wadahadalada uu kula jiro Somaliland ay sii socon doonaan.

 

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey isbedelka ka dhacay hogaanka dowlada Somalia ayuu sheegay Cali Khaliif in Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Maxamad Cabdulahi Farmaajo uusan aheyn madaxweyne Soomaaliyeed balse uu yahay mid loo doortay magaalada Muqdisho.

 

“Madaxweynaha cusub ee Somaaliya waxa uu madaxweyne u yahay Xamar, waxaan ugu hambalyeeyay in midda Xamar un uu ka adkaado” ayuu yiri Galeyr.

 

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka soo horjeestay dowlada federaalka oo uu mar xildhibaan ka ahaa ka dib markiii dowladu ka gaabsatay iney aqoonsato maamulkiisa Khaatumo.

Comments are closed