|

Farmaajo Oo Xukuumadda Xasan Sheekh Ku Tilmaamay Mid Dhaawacday Niyadda Shacabkeeda

Boston:June,01,2014(SDN/QJ)-Maxamed Cabdilaahi Farmajo oo ah Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia ayaa si kulul u dhaliilay Hoggaanka Xilligan ee Dawladda Somalia Gadh-wadeenka ka ah.

farmaajoFarmaajo ayaa tilmaamay in Madaxda Xilligan ee Somalia ay niyadda ka jabiyeen Shacabka soomaaliyeed, iyagoo Beeniyey Ballan-qaadyadii Faraha Badnaa ee ay sameeyeen xilliyadii ay Hoggaanka u ruclaynayeen.

Waxa uu wax laga Murugoodo ku tilmaamay shacabkii soomaaliyeed oo maalin walba lagu laynayo Muqdisho, iyadoo aanay u muuqan wax rajo ah oo arrintaas lagaga bixi karaa.

Farmaajo ayaa sido kale sheegay in looga bahanyahay Madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaaraha inay kadhabeyaan hadaladii mar walba kasoo yeedhi jiray ee ku aadanaa dhinaca isbadalka & Amaanka.

Ra”iisal Wasaarihii Hore ee somaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab looga guulaysan karo oo kaliya Laamaha Amaanka iyo shacabka somaliyeed oo isla shaqeeya.

 

Mudane Farmajo ayaa muddooyinnkii ugu dambeeyey si weyn u dhaliili jirey Hoggaalka Dalka ee Haatan, waxana inta badan farta ku fiiqaa dhaliilaha ay xukuumadda Xasan sheikh Leedahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed