Farmaajo oo Xilal Cusub U Magacaabay Jen. Jaamac Max’ed Qaalib & Shiikh Nuur Baaruud Gurxan
Muqdisho 09. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddi qaran oo taakuleynta Ciidamada, kaddib munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye.
Farmaajo ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga taakuleynta Ciidamada Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsan culimada Soomaaliyed looga dhigay ku-xigeen.
Waxaa ka qeyb galay sidoo kale munaasabadan Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada, maamulka gobolka Banaadir iyo ururada bulshada.
waxaa la ururiyay intii munaasabadaas ay socotay lacago loogu tala galay ciidamada qalabka sida, waxaana dadkii lacagaha ku deeqay ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay in Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay ku yabooheen lacag dhan $8,500- oo
doolar, halka xildhibaanad ka tirsan baarlamanka federaalka ay ku deeqday kun dollar..
Madaxweyne Farmaajo oo munasabadas khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay had iyo jeer u taagan yihiin difaaca cadowga gudaha iyo dibeda loona baahan yahay in xuquuqdooda si joogto ah ay u helaan.
“Dal aan ciidan adag laheyn sumcad iyo sharaf kama laha caalamka, shacabkiisana xaqiraad kama baxayo, dal waliba heerka uu ciidankiisu gaarsiisan yahay ayuu caalamka sharaf ku leeyahay, waxaana ku baaqayaa inaan taageerno ciidankeena si aan sharaf iyo cisi u yeelano” ayuu Madaxwenaha Somalia.
Waxaa intii socotay munaasabadan heeso Guubaabo ah ka qaaday fanaaniin Soomaaliyeed, kuwaasoo qiiro wadaninimo geliyey dadkii munaasabadaas ku sugnaa oo qaarkood ay ilmadu soo dhaaftay.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dedaal xoogan oo dowlada Soomaaliya ugu jirto sidii ciidamada qalabka sida u heli lahaayeen xuquuqdooda si joogto ah si moralkooda sare loogu qaado, uguna dhiiradaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.