Farmaajo Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Xaaladda Somalia Iyo Mooshinka Laga Keenay Baarlamaanka Jubba Land
Minnesota:June,10,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihiii hore ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa ka Hadlay xaaladda dalku haatan marayo, waxana uu rajo-xumo ka muujiyey hannaanka ay dawladda Federalka ahi haatan wax u waddo.
Farmaajo oo isagoo dalka maraykanka jooga u warramay idaacadda BBC-da, ayaa xaalka waddanka ku tilmaamay mid maraya meel kala guur ah, waxana uu hoosta ka xarriiqay in wax ka-qabashada amniga si weyn looga gaabiyey,“xaaladda hadda Somalia waxan u arkaa xaalad kala guur ah ooh al ka hadhay wakhtigii dawladda loo igmaday, waxyaabaha laga filayeyna waxa kamid ahaa ammaanka oo aan u arko in laga gaabiyey, wax walbana ammaanka ayaa asaasaas u ah.” Ayuu yidhi Farmaajo.
Mar uu ka Hadlayey xalka lagaga bixi karo dhaliilaha uu sheegay, ayaa waxa uu yidhi,“sida loo wajahi karo xaaladdu waa inay dawalddu kalsoonida shacabka ka shaqaysaa maadaama dagaalkii fool-kafoolka ahaa dhammaaday si shabaabka looga hortago, waxana taas saldhig u ah in wixii la ballan qaaday la fuliyo.”
Waxa uu ka Hadlay muranka kasoo miir dillaacay mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba land, ayaa waxa uu yidhi,
“Mooshinka baarlamaanku mooshinka ka keeneen jubba land waxay caddaynaysaa inay dhismaha maamulladu wali qabyo yihiin, waxana jiri kartay siyaabo kale oo maamullada lagu dhisi karayey oo ay kaw ka tahay in distoorka la raaco oo haddii uu muran ka yimaaddo arrimaha maamulada loo noqdo maxkamadda distooriga oo iyaduna aan dhisnayn”
Waxa uu mudane Farmaajo sheegay inay baarlamaanka xaq distoori ah u leeyihiin inay ka qayb qaataan dhismaha maamul-goboleedyada,
“waxay ahayd in hawsha jubba land in marka horeba qayb laga siiyo, waan qoddob distoorka ku jira, habka maamul goboleedyada, waxana kasii horreeyey waxa dibu-heshiisiinta la yidhaahdo.” Ayuu yidhi Farmaajo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com