|

Farmaajo Oo Qiimayn Ku Sameeyey Macnaha Ay Booqashadii Kerry Ee Muqdisho Somalia Ugu Fadhido, Farriin Adagna u Diray Hoggaamiyayaasha Somalida

Washington:May,07,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa Ka Hadlay booqashadii uu dhawaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda maraykanku ku tegay Muqdisho, waxana uu tilmaamay in loo baahan sidii looga faa’iidaysan lahaa.

farmajoMudane Farmaajo oo u warramayey Idaacadda Dalsan, ayaa sheegay in booqashadaasi muujinayso in Maraykanku usoo jeestay wax la qabashada Somalia,  “Imaanshaha Kerry ee Muqdisho waxan u arkaa inay ka turjumayso in Dawladdii maraykanku dib ugu soo noqotay somalia, ayna diyaar u tahay inay dadka somaliyeed garab istaagaan, laakiin waxa loo baahan yahay in dadka iyo dawladiisuba fahmaan xanuunka haya si ay gacan u helaan.” Ayuu yidhi Farmaajo.

Mudane Farmaajo oo Hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku adkeeyey in waxqabad la muujiyo sii kasbada taageerada Caalamka, waxana uu yidhi,

“Hadal wax ma keeno oo waanu isku fahamnaa, laakiin waxa wax keenaa waa Wax qabad muuqda, waxyaabaha loo baahan yahayna waxa kamid ah arrimaha Amniga”

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxa uu Madaxda Dawladda ugu baaqay inay waxqabtaan,isla-markaana kasbadaan Quluubta shacabka si ay shabaabka uga adkaadaan,

“Dawladda waxan ku boorrinayaa inay Hadalka yareeyaan oo Waxqabad u bataan si ay shacabka kalsoonidooda u helaan, wada-shaqayntoodana u hantiyaan, wax lagu dagaalamayaana waa shacabka, Shacabka haddii aanad haysanina Shabaabka kama adkaan kartid, raxmadda ilaahayna yaan laga quusan.” Ayuu yidhi Mudane Farmaajo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed