“Fariin buu Idiin Sidaa Kulmiyow, Maxamed Cabdilaahi oo Xamar Ayuu ka soo Duulay ee Car Nala Wadaaga” Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani DAAWO
Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaal mug iyo miisaan leh oo ku abtirsada xisbiga Waddani ayaa mar kale cududooda ku muujiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Halkaas oo ay kala soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Madaxa Kaambaynka xisbiga Waddani Xamse Cabdilaahi Khayre iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.
Ugu horayn Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo khudbad halkaasi uga soo jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay isku soo baxa maalinta ololahooda ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu halkan kaga hadlaynaa been qaawan oo aynu halkan marada kaga faydnay ayaa hadana qaar aad moodo inay tawtawlayaal yihiin ay ku celiyaan oo ay yidhaahdaan Xamar iyo Farmaajo, waar waxaa miyaanaydaan kaba waantoobayn sawtii la qaawiyey maaha.
Hadii Xamar cidi eed ku qaadaysana ninka shalay aad halkan ku soo dhaweyseen toos ayuu Xamar uga soo duulay, waa Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada, waad togtihiin fariimuu idiin sidaa Kulmiyow fariinbaa la idiinku soo dhiibay bal fariintaasi dadka la qaybsada Xamar la idinka soo faray, car hadaad rag tihiin nala qaybsada.
Waxa kale oo aanu halkan ka sheegaynaa, Madaxweynuhu si fiican ayuu yeelay oo digreeto ayuu ka soo saaray oo waxa uu yidhi hantida dawlada yaan lagu ololaynin, waxaanu haynaa hantidii dawlada oo gawaadhidii dawlada oo taarikadii laga badalayo oo lagu dhajinayo mida shicibka.