|

“Farihii lagaga Qaaday Yurub ayaa Ku Kalifay inuu Gacantiisa Gooyo” Waa Wiil Somaliyeed iyo Qiso Naxdin leh DAAWO

London 29.Oct 2014 (SDN/QJ)- Qiso naxdin leh oo ku dhacday Wiil Soomaaliyeed oo Faraha laga qaaday markuu dalkii ugu horreeyey waddamada Yurub ee uu iska dhiibay, ayaa Gacantiisa bidix jaray, ka dib markii ay dalal Yurub ah oo uu tegay, gaar ahaan Jarmalka lagu qaabbili waayey, isla markaana lagu war-geliyey in lagu celinayo Talyaaniga oo Faro lagaga qaaday.

Wiilkan ayaa Gacantiisa Bidix jaray, ka dibna Boosta u dhigay intuu Galka Waraaqaha la isugu diro ku riday Looyarkii u doodayey, kaasoo isaguna booliska wacay, qoraal uu u raaciyeyna ugu sheegay hadduu waayo war-celin in Gacanta labaadna diyaar u yahay jaristeeda, arrintan oo ka fajicisay dad badan oo reer Yurub ah. Waxaannu sheekada oo dhan, siday u dhacday iyo waxa Wiilkaas ka lifay-ba idiin ku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Wacan:-

Comments are closed