|

Faransiiska oo uu Ku Xijaabtay Hogaamiyihii Isbahaysiga Mucaaridka Jabuuti Marxuun Ismaaciil Geedi Xareed

Paris 24.Sep 2015 (SDN/QJ)- Allaha naxariistii jano hasiiyee Gudoomiyihii Isbaheysiga Mucaaridka Dalka Jabuuti Ismaaciil Geedi Xareed ayaa ku geeriyooday Cusbitaal kuyaala Dalka Faransiiska.

Ismaciil-Geedi-Xareed
Marxuumka ayaa, mudooyinkii u dambeeyay Xaalad Caafimaad ugu sugnaa Wadanka Faransiiska kadib markii uu dalka Jabuuti ka duulay dabayaaqadii bishii hore, waxaanu Ismaaciil Geedi Xareed(Gudoomiyihii isbaheysiga Mucaaridka) dalkaasi Jabuuti mudo badan kusoo jirey Mucaaridka dalka Jabuuti tan iyo intii uu talada dalka Jabuuti qabsadey Ismaaciil Cumar Geele, waxaanu Gudoomiye u noqdey guud ahaanba Ururada Mucaaridka Jabuuti intii ka dambeysay Doorashadii Baaralmaanka dalkaasi.

Marxuum Ismaaciil Geedi Xareed waxa uu ifka kaga tagay Gabadh isagoo guursadey haweenay kaliya, Waxaanu hore uga mid ahaa saraakiishii sarsare ee Dowladii Xasan Guuleed Abtidoon isagoo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Madaxtooyada.

Meydka Marxuumka ayaa, lagu wadaa in Maalinta sabtida ah la keeno dalkaasi Jabuuti si aas Qaran loogu Sameeyo Taariikh nololeedkisa dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa walow wararka naga soo gaadhayaa sheegayaan in uu xiligan kamid ahaa Masuuliyiinta Mucaaridka ah ee daneynayay heshiis ay la gaadhaan Xukuumada Geele.

 

 

Comments are closed