Faransiiska oo hub ugu deeqay ciidamo reer Jabuuti ah oo ku siijeeda Soomaaliya
Jabuuti Feb 21,2014(SDN)-Dawlada dalka Faransiiska ayaa hub ugu deeqday ciidamada xooga dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo cutubyo ka mid ahi ay ku biirayaan AMISOM.
Ciidamada Faransiiska ee xarumaha ku leh dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa hubeynta ciidamadan ku sababeeyay ka qeynqaadashadooda sugida amaanka Geeska Africa.
Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyada Jabuuti Md Xasan Dharaar Hufane iyo safiirka Faransiiska u jooga dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka qeybgalay munaasabadii wareejinta Hubkan loogu deeqay ciidamada Jabuuti.
Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa ciidamada iyo dawlada Farabsiikaba uga mahadceliyay deeqdan ciidan ee ay u fidiyeen ciidamada Jabuuti khaasatan cutubyada ku siijeeda dalka Soomaaliya.
Safiirka Faransiiska Jabuuti u jooga Rene Forceville oo isna ka hadlay munaasibada hub wareejinta ayaa sheegay in uu ciidamada Jabuuti uga mahadcelinayo dedaalkooda ku wejahan nabadeynta Soomaaliya iyo gobolkaba.
Ciidamada Jabuuti ayaa ka mid ah ciidamada Africa ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.
SDN-Jabuti
contact@somalidiasporanews.com