Faransiiska ayaa ugu baaqay golaha amniga Qaramada midoobay inuu isugu yimaado fadhi ay kaga arimiyaan xaaladda dalka Jamhuuriyada badh-tamaha Afrika
New York Mar 25,2013(SDN)-Faransiiska ayaa ugu baaqay golaha amniga Qaramada midoobay inuu isugu yimaado fadhi ay kaga arimiyaan xaaladda dalka Jamhuuriyada badh-tamaha afrika ka dib markii ay falaagada hubaysani soo galeen caasimada dalkaasi ee Bangui.
Af-hayeenka madaxtooyada Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in xukuumada Pariis ay ugu baaqday dadkooda jooga dalkaasi inay ku joogaan Guryahooda oo aanay ka soo bixin,
Af-hayeenku waxa uu intaa raaciyey in dalkaas ka joogaan faransiiska laba boqol iyo konton askari,mana jiro ayuu yidhi af-hayeenku wax go’aan ah oo ku saabsan in xoojin loo diro ciidanka dalkaas ka jooga.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in faransiisku ciidan geeyey Garoonka dayuuradaha Magaalada Namgui si ay amaankiisa u ilaaliyaan.
Waxa kale oo uu sheegay af-hayeenku, in madaxweynaha Faransiisku Nr, Faransuwa Holand oo kala hadlay dhowr goor ururka Midowga afrika iyo Urur Goboleedyada inay ka shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa xaaladda Jamhuuriyadda badh-tamaha afrika ka taagan.
Dhinaca kalena Af-hayeen u hadlay falaagada ayaa isagu waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay galeen caasimada Bangui, madaxweyne Bozize uu ka baxay caasimada. Waxaanuu af-hayeenku ugu baaqay ciidamada inaanay geysan wax xad-gudub ah,dhac iyo biliqo hantida dadka ah.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com