|

Fannaanka Caanka Ah Cabdinaasir Macallin Caydiid Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigey Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargeysa

Hargaysa 20. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Fannaanka caanka ah ee Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ka mid ah RukumadaFanka Somaliland gaar ahaan iyo guud ahaan Fanka umadda Soomaaliyeed aadna ugu caan ah tumista Cuudka oo ah Fanaan reer Hargeysa ah ayaa warar ay war-baahintu heshay lagu soo sheegayaa in Fannaanka Xaalad Caafimaad loo dhigay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

Qaar ka mid ah ehelada Fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Fannaanka xanuun uu la jiifsaday loo dhigay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Group Hospital oo wakhtigan lagu dabiibayo, waxaana warkani sheegayaa in dhakhaatiirtu la tacaalayaan xaaladda Fannaanka ee caafimaad.

Fannaan Cabdinaasir Macalin Caydiid oo noloshiisa inta ugu badan ku qaatay Caasimadda Hargeysa fankiina aad loo jeclaa ku dhawaad Soddomeeye sano uu ka mid ahaa fannaaniinta looga hadhay tumista cuudka ama Kabanka sidoo kalena ah Mulaxan iyo waliba heesaa codkiisa si weyn loogu raaxaysto ayaa waxa lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waliba qaabkii hagar la’aanta ahaa ee uu Fannaaniinta ugu hagar bixi jiray tumista Kabanka oo uu si weyn ugu xeel dheer yahay.

Fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu Caafimaad Sareecan ah siiyo dhakhsana uga dul qaado xanuunkan lasoo darsay isaga oo Cabdinaasir Muddooyinkii dambe ka hawl galayay xarunta Hiddo-dhawr ee Caasimadda Hargeysa isaga oo ahaa fannaan si weyn looga jecel yahay guud ahaan geyiga Soomaalidu degto mudadii uu fanka ku jirayna qaaday heeso aad u macaan sidoo kale laxameeyey boqollaal heesood oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay fanka Soomaalida oo ay ku luuqeeyaan fannaaniin heer walba leh kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwan casriga ahba.

Comments are closed