Fannaaniin Nolosha Yurub u Jibbaysayn Oo Ku Andacoonaya In Kenya Qaxootinimo Kala Noqotay
Amsterdam:Oct,15,2014(SDN/QJ)-Kooxda Fannaaniinta ee Waayaha Cusub la baxday oo muddo kusoo noolaa Dalka Kenya, ayaa sheegtay inay Kenya kala noqotay Kaadhadhkii aqoonsinimo ee ay hore u haysteen.
Kooxdan da’yarta ah oo dhawaan badhig faneed ay dhigayeen u tegay dalka Holland, ayaa markiiba muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin Nolosha Reer Galbeedka iyo Yurub, waxana ay taasi dadka gelisay dareen ah inaanay doonayn inay dib ugu noqdaan Dalkii ay ku noolaayeen ee Kenya amaba Somalia oo ay u dhasheen.
Filis Cabdi oo kamid ah Kooxdan oo u wararmaysay laanta Afka somaliga ee BBC-da ayaa sheegtay in ay doonayso in ay ku laabato Kenya oo ay kaga soo tagtay saddex caruur ah oo ay dhashay oo aad u yar yar kan ugu yarina uu jiro toddoba bilood, balse waxa ay sheegtay in loo sheegay in lagu celinayo haddii ay doonayaan dalka Somaliya taasina ay sheegtay in ay ka war warsantahay.
Dhinaca kale lama hubo in ay kooxda oo dhami doonayso in ay soo wada noqoto balse warar kale ayaa sheegaya in kooxda inta kale ay iyagu magan galyo waydiisteen Holand oo ay doonayaan in ay iska dhiiban balse iyada Filis ay doonayso in ay noqoto madama ay caruur yar yar kaga dambayso Kenya,iyada oo saygeeda oo ah Gudomiyaha Kooxda Shiine Akhiyaar uu sidan oo kale mar uu barnaamij fanka ah u Tagay Ingiriiska iska dhiibay dalkaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com