Fannaanadda Yurub Geenyo oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Caasimadda Hargaysa,Raali Gelin ay u Dirtay Shacabka Somaliland Iyo Mahadcelin ay u Jeedisay Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 01. October 2017 (SDN/QJ):-Fannaanadda caanka ah Yurub Maxamed Cabdi (Yurub Geenyo) Ayaa Maanta ku soo Laabatay Caasimadda dalka ee Hargaysa Kadib Markii ay ka soo Kicitintay Xarunta dalka Somalia ee Muqdisho.
Fannaanad Yurub Geeyo ayaa raali galin u dirtay dhamaan shacbiga Somaliland, waxaanay sheegtay inaanay mar dambe dhici doonin inay ku kacdo Talaabo ka cadhaysiisa Shacabka Somaliland .
Yurub Geenyo Waxay u mahadcelisay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo cafis Madaxweyne u fidiyey.