Fannaanadda Hibo Maxamed Oo Joojisay Qaadista Heesaha Muusiga ah, Sababtana Caddaysay
Otowa:Feb,09,2015(SDN/QJ)-Hibo Maxamed Huddoon oo kamid ah Fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, ayaa ku dhawaaqday inay ka fadhiisatay Fankii iyo qaadistii heesaha Muusiga leh oo ay caan ku ahayd.
Hibo Maxamed oo lagu yaqaano heesaha qiirada leh iyo waliba kuwa Waddaniga ah, ayaa sheegtay inay ilaahay dartii uga haddhay heesaha qaadistooda xilli ay u warramaysay Idaacadda BBC-da afka soomaaliga.
Hibo waxay sheegtay in muddo ay ku soo tallamaysay sidii ay ku joojin lahayd muusigga oo ay sheegtay in aanay ahayn wax wanaagsan sida culimadu ay sheegtay.
Hibo Maxamed oo muddo dheer oo afartan sano ku dhaw ku jirtay fanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli diyaar u tahay suugaanta waddanka iyo dhiiri gelinta balse aanay muusig danbe ku qaadi doonin hees.
Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirrineyn heesaheeda in la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto.
SDN/QJ