|

Fannaanad Sahra Halgan Oo Noqotay Qofkii Ugu Dambeeyey Ee Xisbiga Waddani Iska Casishay iyo Faahfaahinta Sababta Arrintaas Ku Keentay

Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan)oo ah fannaanad caan ka  ah Somaliland, isla-markaana xubin muhiim ah ka ahayd Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maalintii shalay shaacisay inay gebi ahaanba iska casishay xubinnimadii Xisigaas Waddani, iyadoo sababtana caddaysay.

sahraWaxay Fannaanadda Sahra-Halgan ka hor is-casilaaddan ay Sabtidii shalay shaacisay inay iskaga casishay xubnimadii iyo ka mid ahaanshihii Xisbiga WADDANI, ay soo saartay Ciidul-fidrigii toddobaadkii hore Hees cusub oo dad badan oo daawaday ku dhalisay dareenno kala duwan, taasoo ay dadka qaarkood u fasireen inay u qaadday Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, marka ay dhuuxeen hab-dhaca Heestaas iyo qaabka ay u socoto.

Hase-yeeshee, Fannaanadda oo Gabadha Weriyaha ahayd ee ku waraysanaysay Barnaamijkii Ciidda ee Telefeshinka Star Xaruntiisa magaalada Hargeysa weydiisay ujeeddada Heesta, waxay ku jawaabtay oo ay ku doodday in cidda Heestu ku socoto ama ay khusaysaa is-garanayso, taasoo aanay fasiraad dheeraad ah oo intaas ka badan aanay sii raacinnin.

waxay Sahra-Halgan Sabtidii shalay shaacisay inay iska casishay Xisbigaas, waxaanay sidaas ku sheegtay qoraal kooban oo ay Warbaahinta ugu talo-gashay, waxaana Warqadda ay soo-saartay Sahra-Halgan oo Nuqul ka mid ahi so ogaadhay Xarunta Warbaahinta Qurbejoog.com ee magaalada Hargeysa, u qornayd sidatan hoos kaa jirta:-

“Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 25/07/2015 halkan ku caddaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay Xubinnimadii iyo ka mid ahaansihii Xisbiga WADDANI. Waxaan halkan ku caddaynayaa in is casilaaddaydu ay ku qotonto arrimo shaqsi ah oo aniga ii gaar ah, isla markaana aan doonayo in aan ka Madax-bannaanaado arrimaha Siyaasadda iyo Hawlaha Xisbiga-ba. Allaa Mahad leh.” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Fannaanada Sahra-Halgan.

Maalintii shalay waxa sidoo kale xisbiga waddani iska casilay saddex xubnood oo kale, kuwaas oo xilal aan sidaas usii buurnayn ka hayey xisbiga waddani.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed