|

Fannaan Nimcaan Hillaac Oo Madaarka Hargeysa Lagu Xidhay Iyo Sababaha Loo Nisbaynayo Xadhigiisa

Hargeysa:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ayaa waxa ay sheegayaan in fannaan Nimcaan Cabdi Xasan(nimcaan Hillaac) oo katirsan kooxda Xiddigaha Geeska halkaas lagu xidhay, kadib markii uu safar shaqo ku tegay Magaalada Muqdisho.

hilaaaaFannaanka ayaa ciddii Bishii Ramadaan bandhig-fanneed ku qabtay Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu markii ugu horaysay booqasho ku tegay tan iyo markuu fanka ku soo biiray sannado ka hor, waxana uu halkaas kala kulmay soo dhaweyn ballaadhan oo soo jiidatay indhaha Xukuumadda Somaliland.

Fannaanka ayaa Markii uu Garoonka Muqdisho ka degay Ramadaanta dhexdeedii waxa uu loo xidhay funaanadda calanka Somalia, waxana arrintaasi cadho weyn ka dhex abuurtay bulshada Reer Somaliland iyo xukuumaddooda, taas oo keentay in Hadal hayntiisu ku badato goobo badan oo dalka kamid ah.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay Dawladda Somaliland ku saabsan sababta loo xidhay Muwaadinkan dalkiisa ku soo laabtay, hase ahaatee waxa lala xidhiidhinayaa inay tahay qadiyad ku saabsan nidaamkii hore looga soo gudbay ee ahaa inaanay dadka magaca ku leh Somaliland u safri karin Dalka Soomaaliya, siiba kuwa Siyaasada u dhaqdhaqaaqa.

Hase ahaatee Xukuumaddaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2012-ka ku heshiiyey inaan Isku socodka Bulshada rayidkaa ee labada dhinac la siyaasadaynin.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno saraakiisha Socdaalka ee dawladda, waxna ka waydiino sababta loo xidhay Fannaankan, noomay suurto gelin ilaa hada.

Nimcaan Hillaac oo kamid ah fannaaniinta aadka looga jecel yahay Gudaha Somaliland, ayaa laga yaabaa inuu safarkiisu wax udhimo hab-dhaqankiisii markii uu Muqdisho joogay, waxana Baraha Bulshada si weyn u dhex xulaya Sawirro uu leeyahay oo laga qaaday xillli uu muqdisho ku gashaday funaanadda Calanka Soomaaliyeed.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed