|

Falaqeynta shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Aqoonayahanada Maxamed Haruun iyo Maxamed Xaaji, ka bogo

Waxa dhawaan boga Facebook ee aqoonyahanada Maxamed Haruun iyo Maxamed Xaaji Maxamuud la isku weydaarsada tafsiir aqoon ku saleysan oo ay garwadeen ka ahaayeen labada aqoon yahayn isla markaana ay bulshadu u garnaqeysay.

Dooda ayaa ku saabasaneyd wadahadaldii dhawaanta ku dhexmaray madaxda Somaliland iyo Soomaaliya dalka Jabuuti, iyadoo kulamadii dabadood ay labada madaxweyne ee labada dal ay halkaa heshiis lix qodob ka kooban ku kala sexeexdeen.

Dooda ayaa waxa furay Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud oo ku hanbalyeeyay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo guulaha la taaban karo ee uu kulankaa ka soo hooyay, waxaanu falaqeynta silsiladan ku bilaabay ciwaanka ah

“Madaxweyne Axmed Silaanyo waxa uu guul la taaban karo ka soo hooyoy shirkii Djibouti maanta lagu soo afmeeray

-Doodda 1aad – Mohamed Hagi

Waa marka hore e waxa uu Madaxweyne Silanyo si xeeldheeri leh ugu guuleystay in wadahadaladda lagu soo daro guddi khuburo ah oo dhinaca sharciga caalamiga ah ku xeeldheer (International Legal Expertise), isla markaana wadamada jaarka iyo cidii kale ee daneyneysa ama looga maarmi waayo wadahadaladda waa uu ku guuleystey in laga soo qayb-galiyo.

 

Guusha Labaad ee uu Madaxweyne Silanyo wadahadalkan dawladda Djibouti marti-gelisay uu ka soo hooyey waa in si dhab ah loo taabto miiska wadahadaladdana loo keeno si loo faaqido mustaqbalka labada dhinac sida uu noqonayo. Qodobkan oo ay dawladda Somalia muddo dheer ka meeraysaneysey iyada oo dawladda Turkigu gacan fiican ka siineysa, waxa uu maanta Madaxweyne Silanyo qalinka ku duugay in qodobkii lixaad ee wadahadaladda dawladda Somaliland galiyey miiska la keeno.

 

Haddaba, waxa ay iswaydiintu tahay, labadan ammuurood maxay faa’ido u leeyihiin wadahadaladda dawladda Somaliland ay kula jirto Somalia. Waa ta koobaad e waxay midho dhal ka dhigayaan wadahadalkan dabada dheeraadey ee natiijo fiican laga gaadhi waayey. arrinta labaad waa iyada oo Somaliland/Somalia iyo cida kale ee ku wehelinaysa wadahadalku ay si toosa u lafa-guri doonaan qadiyadda Somaliland waana arrinta kaliya ee suuro galin karta gooni isutaag dhab ah oo Somaliland xaqiijiso. Haddii aad taariikhda dib ugu noqoto arrintani waa tii Sudan iyo South Sudan ku riixday in beesha caalamku ku qasabto wadahadal guntiisu tahay in dadka reer South Sudan lagu celiyo ogolaanshiyaha ka sii mid noqoshada dhul weynaha Sudan kaas oo markii dambe natiijada aftididu noqotey in South Sudan dal madaxbanaan noqdo. Maadaama oo uu yahay arrinkan sharci International customery law ah oo laba dal ku kala baxeen waxaa loo adeegsan karaa wadahadalka Somaliland iyo Somalia. Waana hubaal in si fiican uu Silanyo dabinkii ay muddo badan ka cararayeen u soo galiyo, waxaynu sugnaaba waa iyaga oo hadda si fiican ugu dhaca wadada xaqa ah ee 23 sano Somaliland ku taagneyd.”

 

Doodda 2aad – Mohamed Harun:

– 21 December at 16:20.

 

Falanqaynta Mr Xaaji ee wal kayga ku tag garaysan waan akhriyay. Waxa faaladda ku jirta in ay Somaliland ku guulaysatay shirkan. Sida aynu wada xasuusano, gabi ahaanba kulamadii horey u soo qabsoomay, hadda

gabi ahaantood, inaka ayaa ku soo guulaysanay, dabcan kanna inaka ayaa ku guulaysanay. It seems we selibrate too early, over too little.

Qodobka muhiimka ah ee faaladan ku jiraa waa in ay hadaladani la mid yihiin kuwii Sudan ay ku kala baxday oo kale, oo caalamku ku khasbay Khartum in ay afti ogolaato. Sax weeyaan sida qoraagu sheegay oo Khartuum waa lagu khasbay in ay aftida iyo masiirka Jubba ogolaato, hadii aan lagu khasbin na, General Cumar Bashir ma ogolaadeen marnaba. Hadda su’aasha meeshan taalaa waxa ay tahay, ma jirtaa cid Somalia taas ku khasbaysaa? Sidoo kale, ma jirtaa doodda noocas ahi Somaliland dhexdeeda? Si kale hadii aan u idhaahdo, miyuu hadda jiraa mawqif Somaliland ay leedahay, oo ay diyaar u tahay in hadda loo arko gobol Somalia ka mid ah, laakiin afti doonaaya in dadkiisa laga qaado,

dabeeto wixii aftidaas ka soo baxa uu ku go’o? Labadaas su’aalood

hadii aan is fahamsiino, ama isla meel dhigno, waynu wada saadaalin karna waxa hadalada ka soo bixi kara.

 

Aan wadaa xasuusnaano,wadahadalada waxa kaaga soo baxayaa waxa ay ku xidhanyihiin laba amuurood: dhinacba sida uu doodiisa u diyaarsado, iyo dhinacba mawqifka uu watto cidda taageersan. Ii sheega doodda Somaliland sida ay u diyaarsantahay, ama u kala horayso, iyo waliba, cidda ay taageero uga haysato waxa ay doonayso? – 21 December at 16:20.

 

– Doodda 3aad – Mohamed Hagi:

– 21 December at 17:53)

Walalkay Mohamed Harun aad baan u soo ugu soo dhaweynayaa doodeenan. Maxamed waa aqoonyahan weyn oo reer Somaliland ah aragtidiisuna koleyba meel fog bay ka imaneysaa. Waxaanse ka odhan lahaa arrintaa Maxamed inoo iftiimiyey laba arrimood oo kala ah:- 1. In ay Somaliland wadahadalkan marka horeba ku guuleysatey in yada oo la yahay labadii gobol ee isku yimi 1960 sidaa loo wadahadlo oo halkaa siyaasiyan iyo sharciyanba laga duulo. Taasi waa guul weyn oo niyad jab ku ah qolada koonfurta marnaba raali kama aha in ay sidaa u wada hadalno waana arrin lagu khasbay shirkii London. Markaa waa hubaal in ay jirto cid Somalia ku khasbaysa wadahadalka oo aan dadka intiisa badan u muuqan. ta labaad dalalka jaarka ah marka aad istaagto sida Kenya, Ethiopia iyo Djibouti labada hore waa kenya iyo ethiopia e raali kama aha somali isku timaada markaa cadaadiska iyo culayska siyaasadeed waxa uu ku dhacayaa Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, Djibouti waa tusaale wanaagsan oo wadahadalka marka loo yimaado ay garnaqsi badan ka dhigan karto somaliland sababtuna ay tahy in Djibouti shantii somaliyeeed ka mid tahay oo haddana ah dawlad madaxbanaan. Wararka hoose ee aan Djibouti ka helayana wadahadalkani waa kii ugu faa’idada badnaa ee Somaliland ay gasho. Waxa jira oo la abuuray guddi farsamo iyo mid siyaasadeed oo Turkiga ku sugan wadamo badan oo xageena ah ayaa jira hadda. Waxaan ku soo gabogabeyn lahaa in ay hawshu sidii hore ka balaadhan tahay Maxamedow shaley iyo maantana ay kala duwan tahay.

 

Doodda 4aad – Mohamed Harun:

– 22 December at 02:23.

Salaamad Mr Xaaji mar kale. Waan kaaga mahad celinayaa jawaabta iyo ixtiraamka ba, intaas in leeg na waad iga mudantahay.

 

Sidaas oo ay tahay, waxa aan dareemayaa in aan su’aashaydii cidina

isku dayin. Somaliland hadalada maxay ka rabtaa, sidee bay se wax u rabtaa, yaa se taageersan waxa ay rabto? Sidii Addis/Asmara, ama Juba/Khartuum ay ku kala baxeen, iyo sida uu Hargeysa/Muqdisho xaalkoodu yahay waa wax aad u kala duwan run ahaan. U fiirso, Kuwa

hore jabhadihii kala qabsaday (EPRDF-TPLO) ayaa heshiis ku ahaa in, marka Mingisto la rido, Asmara afti laga qaado, dhan kastaana wixii ka soo baxa ku dhaqmo, kuwa dambe na, USA iyo Europe baa khasab, hadda khasab, ma aha baryo, kaga dhigay in ay Khartuum aqbasho wax loo

baxshay Comprehensive Peace Agreement (CPA) oo ka koobnaa saddex

heshiis oo kala duwan, oo meel la isugu keenay (Naivasha, Kenya,

2004), waxaana ka dhalatay dawlad wadaag ah oo John Grang uu

Madaxweyne xigeen ka yahay, taas oo diyaarisay aftidii Jubba ay ku baxday.

 

Aan su’aashii mar kale ku celiyee, xataa haddii aan Juba/Khartuum ku dayanayno, oo CPA cusub aan qaadanayno, mawqif kaas Somaliland ma wadataa? Silanyo madaxweyne ku xegeen ma ka noqonayaa dawlad loo dhanyahay oo afti Hargeysa gaadhsiisa? Aad bay u wacnaan lahayd,

laakiin qorshe noocaas ahi ma jiro. Sidoo kale, qorshe kale na ma

jiro, mid xun iyo mid san toona. Qorshaha kaliya ee jiraa waa in hadba shir uun la tago, waxa lala tagaayo na, kolka la sii socdo la is waydiiyo, amaba aan la is waydiininba. Taasu ma aha kaftan, dacaayad

na ma aha, laakiin runta meesha taala weeye. Mucaaridka iyo xukuumaddu toona wax qorshe ah, nooca uu doono ba ha noqdee, ma hayaan.

Hadaladii uGu horeeyay ee London ka dhacay June 2012, aniga ayaa Hargeysa la joogay waftigii SL ka yimid, aniga ayaana waydiiyay waxa

uu qorshohoodu yahay, afkooda ayayna igaga yidhaahdeen in ay kolka ay Addis Ababa transit ka ku yihiin ka sheekaysan doonaan waxa ay London

la aadayaan. Simple as that! Markaas oo kaliya ma aha xataa, ee mar kasta waa tabtaas. Shirkoodii xigay ee Turky, waftiga SL oo isu dhan baan tel ka kula hadlay, wixii ay igu yidhaaheen na, waxa uu ahaa uun wax aan macno sidaas ah hadda ku fadhiyin. Al-muhim, caadifadi waxba

ma tarayso, anaka ayaa shir kastaba ku soo guulaysanay na waxba inoo kordhin mayso, waxa loo baahanyahay na, sidii aan hore ba u idhi, waa: Somaliland maxay rabtaa, sidee u rabtaa, yaa se la wada waxa ay rabto? Ha igu odhan Djibouti/Ethiopia/Ingiriiska because midkoodna wax lama wado, documents kooda na waan hayaa. 22 December at 02:23.

 

Doodda 5aad – Mohamed Hagi:

– 22 December at 03:36AM

Mohamed Harun, Taariikhda jabhadihii TPLO/EPDRF waynu isaga mid nahay waxase ina kala leexiyey waa siyaasadii aynu qaadaney 1991 shirkii Burco markii aynu garawshiyo ka wayney qoladii koonfurta ee Caydiid ama USC geed lagu xidhay. Arrinta South Sudan taa waa ay ka duwan tahay oo Somaliland dib ugu noqon kari mayso nidaamkii Sudan ay ku kala baxdey in siyaasiyan jidkeedu ama qaabkii loo kala baxay la cuskado mooyee sida hafti iyo Codka oo shacabka somaliland dib loogu celiyo mooyee.

 

Waanse qirayaa in ay su’aalahaagani madaxa siyaasiyiinta Hargeisa joogta ay ka maqan yihiin oo aan si fiican oo taxadar leh loo lafa gurin waxa la rabo iyo sida loo rabo ee ugu macquulsan in loo wajaho qadiyadan. Waxase jira hawlo badan oo qarsoon oo mandaqada ka jira oo dynamics ah. Waxaanan ku rajo weynahay in kuwaasi wax inoo dhalaan siyaasaduna Mohamed walal wax taagan maaha. Marsh haddii xaalku joogo in loo wadahadlo sidii lixdankii yagu ay taa ka duulayaan waa labada dhinace cabsi badan oo masiiri ah ma qabo. Waxaan aaminsanaa in adduunyadu gaar ahaan shirkii London si wacan inoogu hiilisey. Waxase ku xidhan tahay sida aynu kolba uga faa’ideysano. Waanse kugu raacsanahay in badan waxa aad ka hadleyso oo ah aragti sidii aan horeba u sheegay siyaasi ah oo aad u xeel-dheer. Qolooyinkeenan dawladuna sida aad sheegtay wax badan baa ka qaldan.

 

Sida aynu taariikhda adduunka ku hayno wadamada africa badidoodu waxa ay ku sameysmeen waa afar xaaladood 1. Decolonisation oo ah in gumaystuhu xoriyadii uu siiyey aanu iska tuur in sida kenya ama Djibouti taa waynu ognahayoo Somaliland si fudud bay ugu hibaysey yada oo aan waxba ku doorsan xataa heshiis heer sida la isku xukumaya ah. 2. Self-Determination dogma oo ah tan Ethiopia iyo Eritrea ku kala baxeen. Taana Axmed Mire iyo Cabdiraxman Tuur iyo intii fikirkaa la qabtey waad ogayd waxii lagala hor yimi. 3. Economic and Interest Oriented case oo ah tan Sudan iyo South Sudan. Taana xaalkeedu waa allahu ya calm. 4. Political Soveriegnity on Parent State Strategic dialogue oo ah kan hadda inaga iyo Somalia inoo socda kuna dhadhaw oo taariikhiyan dabada ku haya sidii Pakistan iyo Bangladesh u kala baxeen in lagu saleeyo yada oo ah waxaan u dagaalaney in aynu kala baxo ee ama niman yahow keena wax weyn oo gooni isutaaga liqa ama ogolaada madaxbanaanidayada. Markaa Maxamedow marwalba waa in aynu maskaxda ku hayno isbedbedalka siyaasada adduunka oo masaalax iyo dhaqaale raadis salka ku haysa midna ogow oo nimankan aynu is haynaa maaha cid kale ee waa kuwa xag dhaqaale, xaga siyaasadeed iyo xagjirnimo abniba inaga liita oo loo taagwaayey iyana kala bixi kari waayey markaa Arrinta dhinacyo badan aan ka eegno. Aad baanad mar labaad soo dhaweynayaa fikirkaaga fiican waayo aragnimadaadana waa mid aan si gaar ah u til galineyo. 22 December at 03:36AM

 

 

 

 

Doodda 6aad – Mohamed Harun:

– 23 December at 11:00

 

Mohamed Haji, adiga oo ku mahadsan jawaab-celinta, waxan iftiimin laba amuurood: Marka koobaad, waxan kuu saxayaa, in haba yaraatee aanay SNM iyo USC ku heshiinin, marnaba, in kolka wadanka ay qabtaan, la kala tago oo Goboladii W/galbeed food ama afti laga qaado. Marnaba ma dhicin taasu, xataa maalin qudha la is lama soo qaadin. Haa, waxoogaa is faham ah,

oo ku saabsan Siyaad Barre aan wada ridno waa uu jiray, laakiin xataa marka aan ridno maxaa xigaaya, iyo halkee wax ka bilaabnaa la isma waydiinin. Runtu sidaas weeyaan, cadayn na waan u hayaa. Sidaas darted, heshiiskii EPRDF-TPLO sinaba uguma eekayn wixii SNM-USC ka dhexeeyay.

Ok, Juba-Khartuum process kii ay mareen hadda ma mari karno, laakiin afti uun ha la qaado, doodda ahi cago ma ku istaagi karto haba

yaraatee. Laakiin taas ba waxa ka horeeya, miyay Somaliland mawqif noocaas ah wadataa?

Jawaabtaydu waa maya.

Qodobka labaad, ee igu kalifay in aan jawaab-celinta ku soo laabto,

waa doodda aad keentay, oo dad badani na qabaan, taas oo ah, “Regional dynamics iyo waxyaabo hoose oo gobolka aan ku naalo ka socda ayaa jira, halkaas baanay wax nooga soo baxayaan.” Dhab ahaan waa arin laga xanuunsado. Tan iyo 1991 kolkii arinta aan ku dhawaaqnay, mala awaalka noocaas ahi waa jiray, ninka makhaayadda jooga iyo ka gidaarada ku qayilaaya ayaa sidaas isku maaweelin jiray, walina sameeya. In rajada lagu xidho wax aan la taaban karin, oo gacanta god madaw la galiyo, wanaag na la fisho ma aha arin quman, natiijo na ma keento. Siyaasadda iyo geedi-galinta masiirka umaduhu waxa uu ku dhacaa, ama ku yimaadaa xisaabtan cadaan ah, oo 2 plus 2, equals 4 oo kale ah, laakiin hadda inaku waxan leenahay 2 plus 2, natiijo 100 iyo ka badan ah na waan soo saaraynaa for some reason. Miscalculation ka iyo xisaab xumada noocaas ah na, siyaasiyiin iyo aqoonyahan waan wada samaynaynaa, laakiin result kiisu ama natiijadiisu, mar aan fogayn buu iman hadii aan wax laga bedelin.

Problem keenu waxa uu yahay, sida aan jecelnahay in ay wax u dhacaan baan aaminaynaa in ay wax iska yihiin mar kastaba, caadifad iyo fantasy aan raad lahayn na waan ku sheekayna goor iyo ayaan. 23 December at 11:00

 

– Doodda 7aad – Mohamed Hagi:

– 24 December at 14:30.

 

Mohamed Harun, mahadsanid walal jawaabtaadan dambe oo ah tu aad u waafi ah. Waa kugu raacsanahay in aanu jirin heshiis buuxa oo kaamil ah oo labada jabhadood wada saxeexdeen kuna heshiiyeen in dalka marka la qabto sidan loo maamulo ama kala tag ama laba dhinac oo isle’eg in xukunka iyo dawladnimadaba loo qaybsado. Lakin waxa jiray Gentlemen’s Agreement inta badan iska dhaqan Somali ah oo meel loo raaco aan lahayn kaasina marnaba midho dhal noqon maayo. Arinta Sudan sida aan u sheegnay labadeenuba the nature of the context isaga mid ma aha lakin dhinaca aftida iyo wadahadalka ayey isaga egyihiin inagu waxaaban uga dhawnahay arrintii Bangladesh iyo Pakistan ku kala baxeen oo ahayd in dhulkaaga aad xoog ku soo dhacsato dabadeedna adduunyada aad ugula garnaqsato oo keentay in Pakistan markii dambe dani ku baday ku aqbasho taas oo ay kaliftey xaaladii mandaqadu ku sugnayd iyo saameyntii reer galbeedka iyo midawgii soviet oo isna farabaas ku hayay dunida wakhtigaas. Ethiopia Somalia waxay kaga adkaatey Proxy War kii Koonfurta ka socday waana taariikhda dheer ee wabiga nile ka oo adiguba aad si xeeldheer ula socoto. Markaa marwalba horta regional and world political dynamics ku way jirayaan oo haddaba waad aragtaa Cuba iyo maraykanka oo cilaaqaad siyaasi ah sameysanaya markii Valenzuela subsidy gii shidaalka ka goysey Cuba haddana shidaalkii oo dhacaya ilaa 50% percent markii oil production companies adduunku ay iclaamiyeen in ay Africa shidaal badan ka soo saarayaan taas oo markii dambena ku kaliftey wadamadii saliida lahaa ee OPEC gaar ahaan Saudi Arabia in ay badiso soo saarista shidaalka si looga maarmo in Africa shidaal loo raadsado. Waxaan uga socdaa Mohamed ha dhayalsan Regional Dynamics haddii ay 23 sano ku dhici waayeen taa macnaheedu ma aha waligood dhici maayaan. kalmada malaawaal oo aan u fahmay Hypothesis na xili baa jiray wax walbaaba ay ahaayeen hypothesis maantana xaqiiqo aan la dhaafi karin ah. Ontology oo social science ku sheego in uu yahay what exist to be known waxa marwalba hareer socda epistemology oo ah sida loo saa saari kara iyo jidka loo marayo design ka wax wal oo dhacayaa ama soo baxayaa ay yeelanayaan aqoontaada maadiga ah oo aad u sareysa mohamed ayaa ugu kaliftey in aan adeegsado terminology ga. Wadahalka haddii aan u soo noqdo ess qasab in somalia la la hadlo yaguna way ku qasban yihiin caqliga saliimka ah marka lagu eegayo in ay inala hadlaan, amintii ayaa hadda la joogaa in khiyaaliga laga baxana waa mihim waxa laga wadahadlayaa waa masiir umadeed oo midaw iyo kala tag labadaba noqon kara waxase mihim ah in wax lagu heshiiyo waxaad ii fahamtay baan filayaa si balaadhan. 24 December at 14:30.

 

– Doodda 8aad – Mohamed Harun:

– 24 Dec, 2014, at 00:22

 

Mohamed Haji, adiga ayaa mudan sxb. Mar kale ayaan ku laabtay falanqayntii inoo dhaxaysay, waxa aanan ka bilaabi kobtii aad ku joojisay.

Si daacad ah hadii aan u idhaahdo, walaal si balaadhan ma

kuu fahmin, ciladdu na waxay u badantahay in ay xagayga tahay, maxaa yeelay, aqoonta balaadhan ee aad igu tuhmayso ayaanan lahayn – aniga ayaa kuu huba midhkaas. Sidaas darted, ayaanan kuula arkaynin baan filayaa, rajada kuu muuqata ee guusha buurada ah ama buurada ku dhaw ah.

 

Hadii aan dhawr qodob is yar dul taago, horta dhawr amuurood waan isla gaaranay hadda sida muuqata. Marka hore, jabhadihii SNM iyo USC

gogosha uma xaadhin sida xaal noqon doono dagaalka ka dib, kaliya

xabad uun bay ridaayeen. Xataa Gentelmen’s agreement ka aad tilmaantay sida aan ogahay ma jirin, because fikradda ah Somaliland gooni ha isu taagto, xataa SNM baan abidkeed, hadda abidkeed, isla soo qaaditn, dabcan cid kale na lama ay soo qaadin. Waxay ahayd uun arin cadho ku dhalatay, aad na aan looga fiirsanin jihada loola kacaayo. Laakiin qodobkaas aan ku dayno hadalka saxda ah ee aad sheegtay, kaas oo ah in wixii SNM iyo USC u dhexeeyay uu yahay, wax aan raad lahayn, midho

dhal na aan marnaba maanta noqonaynin.

 

Haa, waxad soo qaaday qoodobka ku saabsan Bangladesh iyo Pakistan oo

ad tilmaantay in ay xaalkeenna u eegyihiin. Kolka xaalad la

daawaynaayo dhinaca caafimaadka, waxa la isaga qiyaas qaataa xaaladaha isu dhaw, ama meel uun iska soo gala, midda siyaasaddda/milatariga/dhaqaalaha iwm, na waa la mid. Daawada xaalad

iyo duruuf gooni ah ku habooni, xaalad kale oo aan u dhawayn hadii loo qaato waxba ma tarto, amaba in ay khasare keento ayay u badantahay. U fiirso, sida buugta taariikhda oo dhami ay qorayaan, xorayntii Bangladesh iyo aqoonsigii dawladnimadii dagaalka ka dambaysay ba, waxa hogaaminaayay, oo la’aantood aanu halna ka suuroobeen, wadanka India. Jabhadda Bangaalliyiinta ee xornimo doonka ahayd, oo qudhooda ay India hubaysay waxay dagaalamaayeen muddo sided bilood ah, iyaka oo

wajahaayay ciidan iyo qaran quwad leh oo Pakistan ah (350 kun oo askari), hal talaabo na ma ay riixin. Laakiin maalintii ay Prime Minister Indira Gandhi ku dhawaaqday in ay dagaalka galayso, waxay

India ku qaadatay 13 maalmood in ay East Pakistan oo markii dambe Bangladhish noqday xoreeyaan, dagaalka na soo afjaraan, 90 kun oo ciidamadii Pakistan ka mid ah baana isu dhiibay India. Sidoo kale,

India iyada ayaa ahayd wadankii ugu horeeyay ee Bangladhish aqoonsada caalamka, isla markaana, India ayaa Pakistan ku khasabtay in ay Bangladhish si buuxda u aqoonsato, waxa ayna aqoonsigaas ugu bedeshay maxaabiistii dagaalka (90 kun oo askari) oo Pakistan loo celiyay. Xaaladdani waxa ay la mid tahay, amaba ku dhawdahay, xaaladdii Khartuum-iyo-Juba oo aan horey uga hadalnay, USA iyo Europe na ay ahaayeen kuwa sandule kaga dhigay General Cumar-bashiir in uu aqbalo hanaankii Juba ay ku baxday aakhirkii. Xaaladahan oo dhami waxa ay ka midaysnaayeen, xaaladda Somaliland na meesha ka maqan, saaxiib ama saaxiibo dano ka leh waxa Hargeysa ay sheegto in ay rabto. Wararka odhanaaya, Ingiriiska ayaa wax nala wada, iyo Ethiopia ayaa ina doonaysa, marka ay ugu door-roonyihiin, ama ugu wacanyihiin waa sheeko-qayilaadeed. Sidaas bay ila tahay. Qudhaydu waan moodi jiray sidaas, laakiin runtu sidaas aad bay uga fogtahay.

 

Geesta kale, qof ahaan ma qabo, mana qabi doono, in aan isku halayno mala-awaal iyo saadaal ku salaysan humaag aan si wacan u muuqanin.

Tan oo kale ma aha anthology/hypothesis e waxa weeyaan “Fantasy”, waana qofka oo iska niyaysta waxa uu jecelyahay in ay u dhacaan sida

uu u jecelyahay, sabab iyo sabab-la’aanba, xaqiiqooyinka hortiisa yaala na iska dhego-mariya. Taasi marnaba xaqiiqadii dhulka taalay

waxba ma ka bedelayso. Waligeedba 2 plus 2 waxa ay ahaanaysaa uun 4, xataa hadii la jeclaado in ay 100 noqoto. Saw ma aha? Reer miyigeenii waxa ay ku maahmaahi jireen, “Reer dan buu guuraa.” Mar kale na, “Dantaada iyo madaxaaga midnaba lagama boodo.” Mar kale oo saddexaadna, “Dabar iyo hogaaniyo, dani seeto weeyaan.” Saw ma aha?

 

Haa, siyaasadaha goboleed iyo kkuwa caalamiga ahi (global and regional geo-politics) ba waa is bedelaan sida aad tilmaantay, waxay se wax u dhalaan cidda is bedelkaas drive garaynaysa, ama riixaysa ee ka dambaysa. Sida odhaahda caanka ahi ay tidhaahdo, ‘qofkii aan qorshe lahayni, waxa uu qayb ka noqda, qorshayaasha dadka kale’. Waa qaacido ama xeer guun ah, oo dadka aan tashani ay mar kasta, iyo meel kastaba

ku maraan. Qodobka ad tilmaantay ee Venezuela oo Cuba ka joojisay shidaalkii mucaawinada ahaa in ay sabab u tahay is bedelka ku yimid xidhiidhkii Washington iyo Havana ma maqlin. Aad baan ula socdaa waxa meeshaas ka socda, habeen dhawayd na waxan xaflad soo dhawayn ah ugu tagay gabadh uu dhalay halgamaagii Chee Gevara, oo Vidal Castro gacantiisa midig ahaa, aad na way nooga sheekaysay waxa gobolkaas ka socda. Sidoo kale, Hands off Cuba dhaqdhaqaaqa la dhaho oo UK ka jira

na niman saaxiibaday ah baa ka mid ah oo iiga warama, anigu na waxan taageeraa Cuba Solidarity Campaign oo magaalada aan degenahay xarun ku leh. Caalamka badidisu waxay u arkaan guul Kuuba (Cuba) u soo hoyatay, ka dib konton sanno oo cadaadis iyo cuno qabatayn gardaro ku dhisan ahaa. Arinta Oil ka iyo OPIC , Kingdom of Saudi Arabia, iyo shidaalka

ay soo saarto na, waa iska sheeko kale – wadan kastaa iyo waxa uu soo saaraayo isaga ayaa u madax banaan. Africa hadii saliid laga qodaayo, waxa uu Sucuudiga ama Qatar ay soo saarto oo kor loo qaado saamayn ma

ku yeelanayso, because imikaba wadamo badan oo African ah baa saliid

soo saara, kuwo kale hadii laga soo saaraayo na, waa amuur aanay OPIC iyo Riyaad toona waxba ka qaban Karin.

 

Al-muhim, wixii inaka si uun inoo khuseeya baa ka hadalkoodu wacanyahaye, waxa ay ila tahay, Somaliland siyaasigeeda iyo inteeda aqoonta sheeganaysaa baa in ay dib isugu laabtaan, si wacan na u fikiraan, waayaha hortooda yaala na si dhab ah u darsaan. Waxa aan ku soo xidhayaa, arinta koleyba anigu aan ogahay, dabcan xanuunkeeda na lihi, waa Somaliland in aanay wax qorshe ah o hadaladan ku saabsan haysanin. Dawladu na ma hayso, mucaaridku na ma hayaan. Runtu taas weeyaan. Sidaas darted, sabab aynu qaabkii Juba-Khartuum,

East-and-West Pakistan amaba Addis-Asmara uga doodno maba taalo. Kol hadii aanu jirin qaab ay Somaliland danteeda u aragto, oo manta miiska yaala, oo aan ka doodaynaa aanu jirin, wixii aan sheegnaaba waa bar-kuma-taal. Qofkii og waxa ay Somaliland rabto, iyo sida ay u

rabto, ha keeno fagaaraha, kolkaas baynu wax iska odhan. Wali meesha waxa taala uun, doodii ahayd, Somaliland maxay rabtaa, sidee/qaabkee u rabtaa, yaa se la wada waxa ay rabto?

 

Aad baan kuu salaamayaa Mr Haji adiga iyo asxaabta kale ee falanqaynta wax ku darsatay ba. Waxan doodaha ka dhadhamiyay sida aynu waaqiceena uga fognahay, sidoo kale, dad dood wacan qaba na fariimahooda waan akhriyay. Thank you. 24 Dec, 2014, at 00:22

 

Doodda 9aad – Mohamed Hagi:

– 24 Dec, 2014, at 01:54.

 

Mahadsanid Mohamed Harun waan soo dhaweynayaa critical analysis aad dhamaan qodobadii aan sheegay ku sameysay. Qaar waan ka heshiinay sida SNM/USC. Kuwa kalena waxaan filayaa in aan dhinacyo kala duwan ka istaagney. Waxaana marwalba taa u sabab ah our Sociological Imaginations and personal reflexivity oo dhanka qiyaasta ku kala duwan waana wax ibnu aadamku iska leeyahay marka wax laga faaloonayo oo waad aragteen inta theory ee kala gedisan ee philosophers ka adduunku ama scientists kala wataan. Academically mid walba theory giisa ama scientific innovations ka uu sameeyo waa lagu ixtiraamaa. Inagu ma nihin philosophers iyo scientists midnaba haddii ay ka fursan waydo se waxoogaa waxbarasho maadi ah waynu is yara bideynaa bay ila tahay. Yeelkeede Pakistan Bangladesh wars sida ay direct India ugu jirtey bay Western kuna indirect ugu jireen oo wax ay ka maqan yihiin baaba iska yar. Halka manta Ethiopia Arrimaha Somalida ugu lug leedahay ama ugu luglahayd ilaa xiligii jabhadaha reer galbeedna kama maqna oo way inoo muuqdaan. Cuba xaaladeeda wax baa badaley taasi wakhti badan yaaney inaga lumin. Shidaalka adduunka ka jabayna xaaladaha Europe ka socda ee Ukraine iyo Russia ayuu dabada ku hayaa. Saudi Arabia iyo carabi waa xor na adiga ayaa ugu horeeya Maxamedow oo aan kaa maqlayaa. Waase suuro-gal xoriyada aad sheegayso in ay tahay tan formalities ka ah ee UN ta taala. Yeynan ku raagin caalamka siyaasadiisa e Arrinta Somalidu xor ma aha marnaba saameynta wadamada jaarka iyo tan reer galbeedkuna si ba ‘ an bay faraha ugu la jiraan. Mogadishu iyo koonfurta Somalia ma aha mainland China Somalilandna Taiwan ma aha. Mushaharka xasan sheekh waa laga bixiyaa isaga iyo askartiisaba awood uu sariirta uu saaxdo ku difaacdana ma leh. Qorshe fog iyo mid dhaw midna habeen ku muu seexan halkeed wax ka cuntaa iyo maxaad xadaa waxa kaliya oo u dheer qabiil dhul loo boobo iyo reer hebel uga faa’idee awoodan yar ee gacan ku rimiska ah ee adduunyadu kuu yaboohdey. Waa run somaliland qudheeda qorshe wayni ma yaalo lakin taageero la’aan way noolayd oo ay shaqeyneysay 23 Sano oo aan badi dunidu international engagement la samayn. Wali waxaanan fahmin oo aad moodaa in doodaadu ay ku jabeyso ninkan dhintey amabase liita ee walaalkii oo nool gacanta loogu xidhay ee doonaya in uu iska furo si uu u noolaado ee ay adduunyadu u garaabi ladahay adna aad moodaba in bakhtigaa gacanta inoogu xidhan aad wali u haysato in uu nool yahay. Guntii iyo gunaanadkii Somaliland qorshaheedu waa in ay kala baxaan walalkeedaa jidka qaldan qaadey ee maalinba maalinta ka dambeysa aad moodo in uu god ku sii dhacayo ee qadiyada beenta ah wata ee somalinimada uu sheeganayaa tahay mid afka baarkiisa ah oo aan meel kale jirin. Shirkii ugu dambeeyey ee Djibouti lix jeer baa la kala kacay taasina waxa ay ku tuseysaa sida ay Somaliland siyaasad ahaan u tamarineyso hawshani meel fiican bay mareysaa laba dhinac oo somalidii 1960 midawdey baana loo wada hadlaya taasaaney ku dhamaaneysaa equal treatment politics xaalku weeyi haddii midaw imanayana bakhtigaa siyaasada Mogadishu taala waa in ay riyada si toosa uga baxdaa oo ay somaliland soo hor dhigtaan qadiyadda ka weyn tan ay somaliland 23 Sano ku naalooneysey oo liqi karta. Haddii kale wadahadalku waa xaalkii Sudan iyo South Sudan ee aftiga lagu kala baxayey. Waxaad ogaataa Mr Harun in ku celceliska wadahadalada laftoodu ay dunidda u muujinyaan in la kala yahay laba dal. Wadahadalka oo daba dheeraadaana waxa uu si rasmi ah u dhaawacayaa somalinamada iyo wax isku ahaanshihii oo gabalkiisu sii dumayo. Somaliland wallow citiraaf la’aantu dhib dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid bulshaba keeni karto haddana dhanka kale ee midnimada beenta ah raadinaya waxay ku tahay guul daro in uu si ba ‘ an ugu guuldareysto magaciii isagu uu tunka saartey ee Somaliyeed. Aynu Maxamedow xaalada dhinacyo badan ka istaagno si jawaabo badan oo waafi ahi inoogu soo baxaan. Waxaanad tahay nin aan aad doodiisa ijo caqlihiisaba jecelahay hadda safar Norway ah baan u socdaa Waanse wadeynaa doodeena insha allah xidhiidh ayaan kula soo sameyn doonaa walal. Thanks. 24 Dec, 2014, at 01:54.

 

– Doodda 10aad – Mohamed Harun:

– 26 Dec, 2014, at 2am.

 

“Xaaladda aan dhinacyo badan ka joogsano, si jawaabo badani noogu soo baxaan.” Waa hadal aad u wacan Mr Xaaji. Haa, mushkiladdu meelaha ay naga haysato ayay ka mid tahay – in an dhinacyo badan wax ka eegno ma doonayno. Runtu taas weeyaan. Waxa aan ka hadlaayay isla qodobka ah aqoonsi iyo dawladnimo oo aan fikrad khafiif ah ka haysano in aan ka doodno, oo fikradaha gacanteena ku jira la fatasho, lana hubiyo in ay istaagi karaan. Sidaa runtu tahay, Hargeysa iyo Muqdisho in ay isku dhaganaadaan ma ahayn waxa aan ka hadlaayay. Hadii la heli lahaa labadooda oo kala madax banan, oo dawlado la aqoonsanyahay, sumcad na leh, wax walba waan u huri lahaa. Hadii aan taas la helaynin na, kama warwareegeen in aan waxa uGu wacan ee la heli karo, ee taas xiga uga gudbo. Si kastaba, amuurta hadda jirta, khasaare dhab ahi na ka iman doono hadii aan wax laga qabanin, waxa ay tahay, Hargeysa oo aan

aqoonsi ka helin caalamka, isla markaana, Hargeysa oo seegta wax wada qaybsi ay Soomaalida la gasho inta ay goori goor tahay, dabeeto ay dhacdo sumaloow ido seeg, riyo seeg. Ninka sariirtiisa lagu ilaaliyo

ee aad tilmaantay, aniga ayaa kuu furay oo waa run jirta. Runta kale

ee jirtaa na waxa ay tahay, isaga ayaynu u dabranahay, xataa iyada oo tobankii talaabo ba hogaamiye kooxeed ka taliyo, ayaynu u dabranayn Muqdisho. Sababta tas keenaysaa na waxa ay tahay, caalamka oo

qabaailka Soomaalida ee Geeska Afrika isku cunaaya, u ogol hal dawlad uun ilaa hadda.

Waad ogtahay, in dadkeenu ay u safraan Garoowe, amaba Muqdisho ay u dirtaan codsiyo, lacago badani na kaga baxaan si ay passport u helaan. Waad ogtahay in magaca Republic of Somalia mucaawinooyinka lagu wada qaato, sidoo kale, waad ogtahay in aan baryayno, oo waliba ku

farxayno, wadamada safaaraduhu Muqdisho ay ka joogaan (UK, Turkey and Kenya) kolka ay yidhaahdaan qusuliyad baan Hargeysa ka furanaynaa.

Iyada oo ay sidaas tahay, ayaan hadana ku doodaynaa in aan madax

banaani doonayno, ictiraafkii na soo dhawyahay. Anigu waxan ogahay in

ay masuuliyeenteenu guud ahaantood, mucaarid iyo muxaafid, been cadaan ah sheegayaan, been cadaan ahi na, ay keenayso uun in aan dhan walba seegno. Ila xad uun bay beentu shaqayn kartaa, aakhirka na waxa ay soo gaadhaa nihaayad aanay dhaafi Karin. Tusaale cad waxa kuugu ah arintii maamulka hawada, iyo beentii ku saabsanayd. Taas weeyaan waxa aan ka hadlayaa.

 

Gabagabadii, waxan ku leeyahay sxb safar salaama. Wada hadal keena na waan soo dhawaynayaa. 26 Dec, 2014, at 2am.

 

DOODA OO AAD WELI KA QEYBQAADAN KAREYSO WAXA AY KA FURANTAHAY BOGA LABADA AQOONYAHAN EE FACEBOOK, KALA SOCO CINWAANKAN

https://www.facebook.com/photo.php?fbid=1028002687226117&set=a.324924354200624.103414.100000491871127&type=1&comment_id=1030534150306304#

 

 

Comments are closed