|

Falanqaynta Middabada Isku Shaandhaynta: Muuse Biixi Maxaa Ugu Jira Isbedelkan Madaxweyne Siilaanyo Sameeyay?

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sameeyay isku shaandhayn muddo la saadaalinayay. Inkastoo uu marar dhawr ah talaabadan oo kale qaaday, haddana, waxa loo arkaa tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo. Laga yaabaa in wax kale dhiman yihiin, balse markaan eegno inta hadda soo baxday, meelaha ugu muhiimsan ee ubucda u ahi waa sadex meelood.

Muuse Biixi oo OrdayaWasaaradda Daakhiliga oo xilkii wasaaraddaa laga qaaday Cali Warancade, waaxda socdaalka oo hoos tegi jirtay wasaaraddaana la hoos geeyay Madaxtooyadda, isla markaana Taliyaha waaxda socdaalka oo uu hore u soo magacaabi jiray wasiirku, magacaabistiisa loo bedelay mid Madaxweyne.  Dekedda Berbera ayaa iyana meesha labaad ah,  waxaana xilkii laga qaaday Maareeyihii iyo ku xigeenkiisiiba, iyadoo bedelkoodiina loo magacaabay masuuliyiin cusub oo midkood uu hore u soo maray xilka loo magacaabay.

Ciidanka qaranka, Ciidanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ciidanka Laanta socdaalka oo kala hoos taga wasaarado kala duwan  ayaa iyana noqonaya meesha sadexaad ee ay ku dhacday jugta isku shaandhayntu, isla markaana waxa loo magacaabay taliyayaal cusub iyo abaanduule labaad oo loo magacaabay ciidanka qaranka, waxaana xilkii laga qaaday masuuliyiintii hore.

Marka laga tago isku bedbedelka, guud ahaan masuuliyiinta xilka laga qaaday waa ilaa 7 masuul oo xilal kala duwan hayay.

Masuuliyiintaa xilalkoodii seegay waxa ugu cuslaa Taliyihii ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale, Maareeyihii Dekedda Berbera Cali Xoorxoor iyo xubno kale.

Waxa kale oo raga boosaskii muhiimka ahaa ee ay hayeen waayay ka mid ah Wasiirkii Daakhiliga Warancade, kaasoo loo magacabay Wakiilka Somaliland ee Itoobiya, hase ahaatee aanay kala cadayn inuu qaatay jagaddaa iyo in kale. Warar laysla dhex marayay waxay ishaarayeen inuu diiday qaadashada jagadaa, geesta kalena waxa barbar socday wararkaa, qaar kale oo tilmaamayay in Warancade codsaday in loo magacaabo jagada wakiilka Somaliland ee Itoobiya,isla markaana uu ku qanacsan yahay, laakiin Warancade weli kamuu hadal, mana kala cadayn arrimahaa, mar aanu la xidhiidhnayna telefoonkiisa gacantu wuu dansanaa.  Hase ahaatee, haddii ay run noqoto diidmada laysla dhex marayay wuxuu noqonayaa masuulkii ugu miisaanka cuslaa ee ay saamaysay isku shaandhayntu, haddii xaqiiqdu dhanka kale u dhacdo oo uu qaato jagaddaana, waxa ka dhalan kara su’aalo aan haatan qormadan xus badan ku lahayn, balse goorteed laga hadli doono.

Wasiirkii ganacsiga Xuseen Dayr oo laga qaaday xilkii wasiirnimo, dibna loogu celiyay jagadii Afhayeenka Madaxtooyada oo uu hore mar u ahaa, ayaa isna ka mid ah masuuliyiinta hadal hayntu ka taagan tahay inay aqbaleen booska loo bedelay iyo in kale. Inkastoo loo badinayo inuu qaadanayo jagada cusub, misana weli xaqiiqdu waxay ku xidhan tahay afkiisa iyo inuu ka hadlo mawqifkiisa.

Inkastoo Madaxweynuhu ka gaabsaday sababaha xil ka qaadista guud ahaan iyo gaar ahaanba, haddana, xubnaha ugu muhiimsan ee xil ka qaadistani dibadda u saartay, ra’yul caamka dadka wadaagayay ka hadalka dhacdadani, waxay u abtirinayeen sababaha xilka looga qaaday.

Maareeye Cali Xoorxoor oo dhawr iyo labaatan sano aan lala wadaagin xilka maareeyaha dekedda Berbera, mudo kooban oo maareeyayaal kale xilka hayeen mooyaane, ayaa ugu horeeya ragga hadal hayntu u badnayd. Muran badan  iyo iskhilaaf dhinaca aragtida ahi kama taagna sababta xilka looga qaaday Cali Xoorxoor, isla markaana sida muuqataba waxay ahayd mid la filayay inay imanayso ansixinta heshiiska DP World ee golaha wakiiladda kadib.

Sidaa darteed, xilligeedii bay timi, kelifkeeduna waxa loo arkaa inuu salka ku hayo aragtidii Cali Xoorxoor ee heshiiskaa oo khilaafsanayd aragtidii gudiga intiisa kale.

Inkastoo uu xilkii waayay, haddana, waxay dad badani u arkaan in Xoorxoor sumcad wayn ku helay mawqifka uu ka qaatay heshiiskaa, isla markaana waxay dadkaasi qabaan in aragtidiisu sababtay wax ka bedel kooban oo lagu sameeyay heshiiskaa sida, in marka hore la dhiso deked cusub ka hor intaan la wareejin tan hadda jirta.

Dhanka kalena dad badan oo kale ayaa qaba, in Xoorxoor mulkigiisa u haystay dekedda, isla markaana uu u dagaalamayay dano shakhsi ah, taasina ay u tahay magac xumo.

Taliye Shaqale oo ku dhawaad afar sanadood ahaa taliyaha ciidanka qaranka ayaa isna ka mid ahaa xubnaha hadal hayntoodu badnayd. Ra’yul caam badan ayaa aad u soo dhaweeyay xil ka qaadistiisa, isla markaana waxay tilmaameen intii uu xilkaa hayay in ciidanka hoos u dhac badani ku yimi. Maamul xumo,  wax is daba marin iyo ku lug lahaanshaha ganacsiga dhulka ayaa iyana qayb ka ahayd waxyaabaha ay u tirinayeen, dadka hilaadinayay dhaliilaha xil ka qaadistiisu.

Taa bedelkeedana waxay dadka aragtidan qabaa soo dhaweeyeen Taliyaha cusub Nuux Taani oo hore u soo maray jagadan, isla markaana lagu tilmaamo inuu ka mid ahaa taliyayaashii ugu fiicnaa ee soo mara ciidanka dhisayna. Xoggo uu Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola ciidankuna waxay tibaaxeen, in Madaxweyne Siilaanyo qaaday talaabo ciidanku ku diirsaday, magacaabayna Taliye kalsoonida ciidanka kor u qaaday, haddana kor u sii qaadi kara.

Dhinaca kale marka loo eeggana, waxay dadka qaar qabaan in Shaqale ahaa taliye fiican oo wax ka qabtay tayada ciidanka, bedelkiisana waxay majeeranayaan in aanay isu dhigmin labadoodu.

Aragtiyaha taageersan Shaqale waxay rumaysan yihiin, sababta ugu wayn ee xilka looga qaaday Ismaaciil Shaqale inay tahay oo keliya, murashaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi  ayay isku hayb hoose yihiin, halka qaar kalena ka aaminsan yihiin inuu ka mid ahaa xubnaha xukuumadda kaga sii hadhay guruubkii Xirsi.

Dhan kastaba ha loo sibirsaaree, waxa keliya ee ay badi ra’yul caamku isku raacsan yihiin waxa weeye, xilliga doorashada inay muhiim tahay illaalinta dhexdhexaadnimada haybadda ciidanka qaranku, isla markaana ay lama huraan tahay in shakiga laga saaro  taa xilliga doorashada ka hor, sidaanna ay jawaabtan Madaxweynuhu ku tahay mid waqtigeedii ku soo beegantay.

Weji kale marka isku shaandhayntan looga wareego, waxa muuqata in goboladda Saaxil iyo Sool ay yihiin deegaanadda ugu muhiimsan ee ay saamaynta togan u leedahay.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon  oo magacaabistiisu meesha ka saartay wasiir Cali Sandule oo ay isku raas yihiin ahaana wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada, ayaa  loo arkaa xulasho muhiim ah oo madaxweynuhu asiibay.

Wasaaraddan daakhiliga ee loo magacaabay Yaasiin Faratoon oo hore dawladdii Cigaal xil wasiirnimo uga soo qabtay, waxay ka dhigaysaa haatan  beelaha Harti  inay hayaan masuuliyadda wasaaraddo muhiim ah sida, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Caafimaadka iyo Biyaha, balse tusmada saami qaybsiga awoodda qaranku way ka wayn tahay intaa.

Hase ahaatee waxay ka dhignaan kartaa dhiirigelin hayaan u ah higsiga gaadhista xaqsoor dhab ah iyo saami qaybsi run ah oo loo siman yahay somaliland oo dhan.

Gobolka Saaxil, gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo Maareeye Cali Xoorxoor, oo bulsho ahaan ka soo horjeeday heshiiska DP World ee wareejinta dekedda Berbera, ayaa iyana loo arkaa inay ka mid tahay  meelaha isku shaandhayntani wax u soo kordhisay masuuliyad ahaan.

Waxa la magacaabay Wasiir cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Ganacsiga,  kaasoo dadka siyaasadda ka faalloodaa ku tilmaameen mid loogu talagalay in lagu yareeyo miisaanka uu Cali Xoorxoor ku dhex leeyahay dadkaa ama lagu didma tiro dadka ay sii kicin karo xil ka qaadistiisu, maadaama aanuu weli si buuxda u dhaqan gelin heshiisku.

Mid kale oo isla jiiddaasa ayaa isna loo magacaabay wasiir ku xigeenka Maaliyadda, isla markaana intaa waxa dheer Maareeyaha Dekedda. Sidaa darteed xilka qaadista Xoorxoor waxa loo arkaa inay soo kordhisay kuraastaa.

Inkastoo qofaf loo magacaabay xilalkaa, misana dhaqanka umaddan marka loo eego sedka gaarka ah bay u arkaan sed guud oo ay ku xasilaan.

Muuse Biixi Maxaa Ugu Jira

Muuse Biixi  tan iyo intii uu noqday murashaxa madaxweynaha waxa loo arkaa inuu yahay nin ku jirra ku jira halgan la xidhiidha sidii loo suuragelin lahaa dhismaha xukuumad isaga dhista.

Waxa la tilmaamayaa inuu hore u sameeyay isku day badan oo mawduucaa la xidhiidha, balse aanay dadaaladdasi sidii loo baahna u wada guulaysan. Taa darteed,falanqeeyayaal badanni waxay dhawrayeen ama ka naawilayeen jawaabta arrintaa isbedelkan hadda dhacay. ka hor ku dhawaaqidii isku shaandhayntan waxay dadka qaar ku dooddayeen, in Muuse noqon doono gacanta ay badi ka imanayso magacaabistu, halka qaar kalena kaga tilmaamayeen aragtidaa mid aan suuragal ahayn, dalkana dhaqayn.

Haddaba, walow oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo tahay mid ka soo jeedda xisbiga Kulmiye, isla markaana nidaam ahaan ay taageerto murashaxa xisbigeedda, haddana, isjara raaca siyaasadda iyo hirdanka damacyadu maaha qaar u dhexeeya uun  xisbiyadda tartamaya ee waa wax xisbi kasta gudihiisa ka jira.

Markaa laga duulo taa waxaynu ku soo xidhaynaa qormadan Muuse Biixi maxaa ugu jira isku shaandhayntan?

Xukuumaddu ma waxay u eg tahay mid qaban karta tartan doorasho oo xalaal ah oo dhex ah, mise waxay u muuqataa mid laga filan karo qabshada doorasho aan dhex ahayn, maadaama Madaxweyne Siilaanyo maanta yahay waayeel sagootiskiisa wanaagsani ku jiro qabashada doorasho magaciisa raajisa cadaalad ahaan?

Comments are closed