|

Fadwooyin Culimo Islaam ahi ka soo Saareen in Muslimiinta Saacadaha badan Af Xidhnaanayaa in aanay Soomin ee ay Mar danbe Qaleeyaan.

Hargeysa 18.June 2015 (SDN/QJ)- Sheekh Xasan Xalaawa oo ah xoghaya guud ee Golaha Fatwada ee Yurub ayaa waraysi uu siiyey shabakadda wararka ee Al-Jazeera, mar uu kaga hadlayey xaaladda soonka muslimiinta ku nool woqooyiga qaaradda Yurub oo sannadkan af-xidhnaan doona saacado 20 ka badan maalintii, waxa uu fatwooday in dadkaasi ay soonka sannadkan iska deyn karaan oo ay qallihiisa dib ugu dhigan karaan waqtiyo intan ay maalintu ka saacado yar tahay.

sheekha fadwadaMaadaama oo saacadaha habeenkii ee magaalooyin ka mid ah dalalkani ay noqon doonaan laba saac oo keliya, ayaa uu sidoo kale Sheekh Xalaawa uu ka hadlay sida ugu habboon ee golaha Fatwada Yurub uu kula talinayo in muslimiinta dalalkani ugaga faa’idaysan karaan, saladaha maqrib iyo cishaa’i iyo taraawiixda. Waxa uu sheekhu sheegay in golahoodu uu wafti xaqiiqo raadis dhinaca waqtiga ah u diray dalalka dhaca Woqooyiga Yurub oo cidhifka u shisheeya uu yahay dalka Sweden oo xilligan aynu ku jirno magaalooyin ka mid ah aanay qorraxdu ka dhicin 24ka saac, xog ururintaas guddida kadibna waxa ay culimada goluhu isugu yimaaddeen kulan ay kaga dhawaaqeen fatwo u gaar ah Muslimiinta gobolka woqooyiga Yurub.

– Dalalka aanay qorraxdu ka dhacayn sida dalka Sweden, waxaa u bannaan in ay ku xisaabtamaan saacadda xilliyada sannadka ee ay habeenka iyo maalinta dalalkaasi is le’eg yihiin. Taas oo noqonaysa in ay 12 saac ee maalinta ahaan lahaa ay soomanaadaan, 12 ka habeenka noqon lahaana af-furnaadaan iyada oo qorraxdu iska soo jeedda, salaadihiii maqrib, Cishaa’i iyo taraawiixdana tukadaan iyaga oo sidoo kale ku xisaabtamaya waqtiga waagu baryo xilliyadaas si ay u xidhaan soonka.

– Dalalka qorraxdu dhacdo, laakiin habeenkoodu  uu aad u yar yahay, sida kuwa ay qorraxdu ka maqnaato 2 saac oo keliya, waxa uu goluhu u fatwooday laba talo in ay mid qaataan;

1. In ay ku xisaabtamaan sida ay saacaduhu ahaan jireen intii aan la gelin waqtigan ay maalintu dheeraatay, kadibna ay raacaan waqtigaas oo saacaddii lagu yaqaannay gabbal dhaca iyo waaberiga ay ku xisaabtamaan iyaga oo aan dan ka galayn qorraxda aan dhacayn. Tusaale ahaan waxa ay afurayaan waqtigii berigii hore qorraxdu dhici jirtay, xitaa haddii ay hadda soo jeeddo, waxa aanay tukanayaan salaadihii habeenka ee Maqrib, Cishaa’i iyo Taraawiixda, waxa aanay af-xidhanayaan xilligii salaadda subax la tukan jiray markii waqtigu caadiga ahaa.

2. Haddii kale in ay saacad ku xisaabtamaan oo salaadda subax ay dib u dhigaan iskana sii af-furnaadaan iyaga oo keliya iska ilaalinaya qorrax soo baxa, oo hal saac iyo 5 daqiiqo oo keliyi marka ay qorrax soo baxa ka hadhsan yihiin inta ay soonka xidhaan markaas tukanaya salaadda subax. 

Si kastaba ha ahaato ee waxa uu sheekhu sheegay in golahoodu uu diiday fikirka ay dadka qaar aaminsan yihiin ee ah in iyaga oo Yurub jooga ay haddana ku soomaan kuna af-furaan saacadda magaalada barakaysan ee Makah, arrintaas oo ay culimo badan oo waaweynina hore u diidday.

Sheekh Xasan Xalaawa waxa kale oo uu sheegay in Muslimiinta saacadahaas badan dartood awoodi weyday soonka ay u bannaan tahay in aanay bishan soomin oo ay qalleeyaan bilaha dambe ee sannadka ee saacaduhu sidan iska beddelaan, in kasta oo aanu meesha ka saarin in qofka awoodaya ay tahay in uu soomo oo aanu marmarsiinyo uun ka dhigan saacadaha. Maadaama oo shareecadu ay mamnuucyday in aan soonka laga tegin iyada oo aanu jirin cudur daar sax ahi.

Sheekh Xasan Xalaawa oo ka hadlay dhinaca salaadaha ee waqtigan maalintu dheer tahay waxa uu sheegay in saaladaha maalintii iyaga waqtigooda la garan karo, laakiin salaadihii habeenka noqon lahaa laga rabo in ay magaalo kastaa iyada oo ka duulaysa tirada saacadaha maalintu tahay ay xaddidato saacadaha ay tahay in la tukado Maqribka, Cishaa’iga iyo Taraawiixda iyada oo sidoo kale lagu xisaabtamayo waqtiga ay tahay in qofku uu u helo in uu guriga ku soo noqdo si uu wax u cuno.

Muslimiinta ku nool dalalka cidhifka woqooyi ee Yurub ayaa warwar badan ka qaba soonka, maadaama oo magaalooyin dalalkan ka mid ah qaarkood aanay qorraxdu ka dhacayn 24 ka saac, halka kuwo kalana uu habeenku ku soo ururayo saacado yar, waxa aanay si gaar ah u sii taabanaysaa magaalooyin gaar ah oo ka mid ah dalalka Sweden, Norway, Finland iyo woqooyiga Scotland ee Ingiriiska iyo guud ahaanba deegaannada dhaca woqooyiga xariiqda 48 ee dhul-badhaha.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed