|

Fadliga Dheeriga ah ee ay Leedahay Tobanka Cisho ee u danbeeya Bisha Ramadaan DAAWO

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaynu Gudo Galnay Tobankii Cisho ee u danbeeyay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu ku Jiro Habeen ka Khayr badan Kun Biloow Waa Habeenka Laylatul Qadri.

layltul_qadri_som_by_alkhair92-d6ww973Laylatu qadriguna in uu ka khayr badnaado kun bilood illaahay ayaanu ku mahadinaynaa mahadnaq aan dhamaad iyo tiro lahayn, isagaana ku shukrinaynaa mahadnaq, waxa aan qirayaa in illaahay mooyane illaah kale jirin Maxamedna uu yahay Rasuulkiisi kii baabacooyinkiisa biyuhu ka dhareereen (CSW) iyo abu bokorkii kula saaxiibka ahaa barwaaqada iyo dhibaatadaba, cumarkii ahaa quwada islaamka iyo cismaankii  isku keenay kitaabka illaahay, Caligii geesinimadiisa la dagaalami jiray kaligii  galada, N.N.K.H Nabiga ehelkiisa iyo asxaabatiida iyo dadkiisi wanaagana mid kastoo ka mid ah ilaa dharaarta qiyaamaha cida wanaaga ku raacda.

Tobanka habeen ee barakaysani waxa  ku jira habeenka laylatu qadriga oo ka sharaf badan habeenada kale, umadan illaahay waxa uu siiyay habeenka fadliga iyo khayrka badan leh, illaahay fadliga habeenka laylatu qadriga waxa uu noogu sheegay quraanka kariim ka ah, illaahay (SW) waxa uu yidhi “WAXANU SOO DEJINAY HABEEN BARAKAYSAN, ANAGUNA WAXANU AHAYN KUWA U DIGA” waa dadaalka in la dadaalo tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ku dhex jira habeenka laylatu qadriga “Waxa ku dhex jira  kala saaraya arin kastaba oo xigmad badan, waa arin  agtayda ahaaday, angaana soo diray, waa naxariis illahay ka timid, illaahay waa ka wax walba og wax walbana maqla rabiga cirka iyo dhulka iska leh iyo waxa ku dhex jira, hadii aad wax garanaysaan illaahay mooye ilaah kale ma jiro waana ka wax dila waxna nooleya, waa rabigiina iyo rabigii aabayaashina hore” [Dukhaan-3-8]

Illaahay waxa uu ku sifeyay in ay habeen barakaysan tahay wanaag faro badan iyo barakadeeda darteed, illaahay waxa uu kala saaray loox maxfuudka in uu ku qoro wax kasta oo nool Risiqiisa, Ajashiisa, Wanaagiisa iyo xumaantiisa Waxaas oo dhan illaahay waxa uu ku qoray loox maxfuudka, loox maxfuudkaas oo lahayn wax khalada ah iyo nusqaan taasina waa awooda illaaha wayn ee casiisaka ah waxkastana og, illaahay isagoo inooga waramaya laylatu qadriga waxa uu yidhi “Waxanu soo dejinay habeenka laylatu qadriga, maxaa ku ogaysiyay waxa uu yahay laylatu qadrigu, laylatu qadrigu waxa ka khayr badan yahay kun bilood waxana soo degta malaa’igta iyo malakul jibriil waxayna ku soo degaan ogalaashaha illaahay arinkasta, waa nabad gelyo ilaa uu waagu baryaayo” [Qadar-1-5]

Comments are closed