Fadhiisimo Shabaabku Ku Lahaayeen Gobolka Jubadda Hoose Oo Duqaymo Laga Fuliyey
Kismayo:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanka Kismayo, waxa duqaymo xagga cirka ah loo geystay Fadhiisimo ay Jubada Hoose ku lahaayeen Xoogagga Al-shabaab.
Deegaannadan ay duqeyntu ka dhacday ayaa ah Koband iyo Makomaani oo u dhow deeganada Buulagaduud. saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa si hor dhac ah Warbaahinta ugu sheegay in duqeyntan loo geystay fadhiisimo Shabaabka ku laahayeen aagaas.
Duqeynta ayaa loo adeegsaday Hoobiyayal rido dheer iyo Qoryaha BM-ka loo yaqaan, waxaana wada jir u fuliyaya ciidanka Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan aaga Buulagaduud.
Al-Shabaabka ku sugan Deegaanada Gosha ayaan sidaa uga sii fogeyn difaacyada Jubbaland ee Buulagaduud waxaana mararka qaar la sheegaa in ay isu muuqdaan.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli kooxda AL-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ku qaadeyso ciidanka Jubbaland.
SDN/QJ