|

Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada iyo Qodobadii lagaga wada hadlay

Hargaysa 22.Dec 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda  J S L oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ayaa mudanayaasha golaha waxa loogu qaybiyey waxqabadkii  kal fadhigii hore ee 22 aad iyo qorsha golaha ee kal fadhiga saddex iyo labaatanaad ee u furmay shalay.

Golaha-WakiiladaWaxana warbixintaa mudadanayaasha u akhriyey Xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Md C/risaaq Ayaanle kaas oo sheegay in kal fadhigii 22aad, uu furmay  Bishii 8aad islamarkaana uu soo  xidhmay  Bishii 10aad  ee sanadkan, isaga oo sheegay in Goluhu qabtay hawlo muhiima  oo ay ka mid yihiin  ansixinta masuuliyiinta qaranka oo goluhu ansixiyey 19 masuul  oo ka tirsan Golaha  wasiirada kuwaas  oo  isugu jira wasiiro iyo wasiir ku xigeeno, waxa kale oo Goluhu ansixiyey kalfadhigaas  saddex xeer oo kala  ah xeerka maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka, miisaaniyada qaranka ee 2014  ka iyo xeerka takaaliifta wadooyinka .

Geesta kale Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md C/raxmaan Maxamed C/laahi  ayaa mudanayaasha Golaha fadhiyey ku war galiyey in ay soo Gaadhay   warqad ka timid Maxakamada Sare, taas  oo lagu sheegay in maxakamadu hakisay go’aankii shalay   Golaha wakiiladu  uu  ku ansixiyay gudi hoosaadyadii golaha,.

Gudoomiyuhu isagoo soo Cuskaday Qodobada Dastuurka Waxa uu sheegay in  Saddexda Waaxood ee Dawlada ee kala ah Fulinta, Xeer dajinta iyo Cadaaladu ay kala madaxbanaanyihiin,Waxaanu sheegay Guddoomiyuhu in Goluhu arintaa si rasmi uga Jawaabi doono.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed