Fadhi Natiijo Xumaystay Oo Maamulka Puntland Iyo Dawladda Federal-ka ah Garowe Ku Dhexmaray
Garowe:May,01,2015(SDN/QJ)-Kulan natiijo la’aan ku dhamaaday, ayaa Habeenkii xalay Madaxtooyada Garowe ku dhexmaray Hoggaamada Maamulka Puntland iyo Dawladda Federal-ka Somalia.
Kulanka ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo kan Puntland C/weli Gaas, waxaana goobjoog ka ahaa kulankaasi Xubno labada dhinac kala taabacsan iyadoo lagu lafa guray Muranka ka taagan qaabka loo wajahaayo dhismaha Maamulka G/Dhexe oo xasaasiyad ku beertay Maamulka Puntland.
Guddiga Puntland u matalaayay shirkaasi ayaa si cad u sheegay inaanay ku qanacsaneyn kala cadayn la’aanta xaduudaha maamulka loo dhisayo gobolada dhexe gaar ahaan koonfurta iyo Galgaduud.
Dowladda Federalka ayaa ku adkaysanaysa inay kasoo dibci weydo qodobadaan oo ahaa in Maamulka Gobolada Dhexe aanu faragalin dhanka dhulka ah ku yeelan Puntland.
Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Khudbadiisa ku sheegay in dhismaha Maamulka G/Dhexe aanay saameyn ku yeelan doonin Puntland, ayaa waxaa hadana Xalay kulanka gaarka ah ka dhex sheegay in Dowlada Somalia aanay iska horgeyn doonin labada maamul islamarkaana Puntland looga baahan yahay inay qaadato go’aanka Dowlada.
Puntland ayaa iyadu ah mid ka didsan go’aanka Madaxweyne Xassan uu ku sheegay in labada Maamul uusan ka dhex dhalan doonin saameyn dhanka xadka ah, waxa ayna ku andocooneysaa Puntland in Madaxweynaha uu dhowr jeer uga baxay balamo, hadana aanay aaminikarin.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa soo degdegtay in Madaxweyne Xasan iyo Puntland uu soo kala dhexgalo Mugdi waxa ayna taasi sababtay inay ku kala boodan kulanka.
Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey ayaa ka digay in si qaldan loo turjumo qodobka 4-aad ee dastuurka federalka, wuxuuna ugu baaqay madaxdu inay arintaasi si cad u muujiyaan.
Qodobada lagu muransan yahay ayaa lagu wadaa inay si toos ah ugawada fariistaan madaxweynayaasha afarta ah sida aan xogta ku helayno, Waxaana lagu wadaa in xal la gaaro inta aan loo dareerin xaflada wafuuda lagu casuumay.
SDN/QJ